'' Inanka Ciise , Dhacdo Taariikheed '' .

0
Wednesday May 15, 2019 - 16:58:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Inanka Ciise , Dhacdo Taariikheed '' .

    Shirkii nabadeed ee ka dhacay Magaaladda Sheekh 1992,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii nabadeed ee ka dhacay Magaaladda Sheekh 1992,

ayaa maalin mihii uu bilaabmay uu qudbad waano iyo wax u sheegis ah ka jeediyay Xaaji C/kariim Xuseen , alle ha u naxariistee , hadalkiisiina wuxuu ku bilaabay sidan



'' Dhibaatadda meeshan ka dhacday aniga waxa ku dhintay inankaygii , hasa yeeshee maanta hadana nabad baan doonayaa , oo aan oday ka ahay, maxaa yeelay inankaygii dhintay maanta waxa iga xiga inanka ciise muuse ee nool ee buurahaa adhiga la jooga , waayo inankaygi wuu dhintay oo soo noqon maayo , laakiin inankaas nool ayaa berri odhan doona , odayga u baneeya , odayga ilaaliya iyo odayga dhagaysta , markaa maanta anigu inankaa nool baan u talinayaa , nin walowbana waxaa lagaa rabaa inanka nool in aad u taliso meel uu joogaba '' . Dabeeto hadalkii xaajiga aad baa loogu qiiraday , dad badanina ilmada ayuu xejisan waayay , xaajiguna hadalkan markuu sheegayay si qiiro leh ayuu u sheegayay .


Maanta sidda sawirkan idiinka muuqatana waxaa u jeedaan , Xaaji Cabdi oo maalmihii uu noolaa , uu si kalgacal iyo ixtiraamle ugu dhegan yahay wiilkan oo sidda sawirkiisaba ku qoran ah wiil ciise muuse ah , waana dhacdo taariikheed oo u dhacday sidii xaajigu inoogu sheegaay , waayo xaajigu wuxuu u talinayay nolosha inamada Somaliland oo dhan , iyaga oo sidan u ixtiraamaya una ilaashanaya ayaanu hoyday .


Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...