Xili Roobaadka Iyo Foolxumada Bilicda Wadooyinka Caasimada

0
Wednesday May 15, 2019 - 09:19:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xili Roobaadka Iyo Foolxumada Bilicda Wadooyinka Caasimada

    Indhaha shacbiga ayaa ka didaaya inay eegaan foolxumada jidadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaha shacbiga ayaa ka didaaya inay eegaan foolxumada jidadka caasimada hargeisa waqtigaxili roobaadka biyo fadhiisinka qashinka wadooyiinka waxa ugu filan waxqabad golaha deegaanka hargeisa xili roobaadka jawiga daymo aragtida caasimada



Wadooyinka burburay ee caasimada iyo foolxumada bilicda nadaafada waa astaan wax qabad oo lagu xasuusankaro mayarka iyo golahiisadeegaanka ah xili roobaadka iyo hargeisa


WAXA MOYAKA caasimada aynu ku xasuusan karaa wadooyinka burburay iyo urta qashinka biyo fadhiisinka waqtiga xili roobaadkacaasimada hargeisa degmooyinkeeda gadiidku qaar ka mida waxay u kula socdaan 2sacaadood wadooyinka oo aad u burburay shacbiga caasimada hargeisa waxa laga qaada cashuuro kala duduwan oo ku dhaca qasnada dawlada hoose oo aan waxba loogu qaban adeegyada hawlaha caasimada hargeisa tirada shaqaalaha dawlada hoose oo kor u dhaafay 1700 shaqaale ah waxay sugaan mushaharkooda 2bilood ma helaan xuquuqdii shaqaalanimo xafiisyada dawlada hoose sida xafiiska moyarka iyo k xigeenku had iyo goor way madhan yahiin dadwaynaha waxay kala kulmaan niyad jab iyo jahawareer ma jiro hantidhawre si saxa ula socda hantida iyo dakhliga soo gala dawlada hoose taas oo keentay inuu dhaco musuqmaasaq baahsan iyo hanti lunsi hadaba hada Waxa si fiican u curtay roobkii xagaagaaynu eegno moyarka iyo waxa kala haysta wadooyinka burburay ee caasimada hargeisa waxa aragti kuugu filan burburka wadooyinka biyo fadhiisinka suuqa caasimada hargeisa IYO suuqa khudaarta waaheen iyo gobanimo jidadka ciida qashinka qoyan ee tuulan meeday bilicdii nadaafadii hargeisa dadwaynahu way dhisteen qurxiyeen guryahoodi waliba waxay ku bixiyaan cashuur dhiska wadooyinka bilicdanadaafada ma haystaan goobo parcking oo gadiidkoda dhigtaan suuqyada

Mee garoomadii caruurteenu ku ciyaarateen

Moyar adigoo is casila ayaa ka roon hadal badan


Urta nadaafad xumada jidadka burburay ee caasimada waqtiga xili roobadka waxa u sabab ah waxqabadla anta moyarka caasimada hargeisa goormay gaadhi kartaa waxqabadka moyarka berbera waa in kor loo qaada bilicda iyo nadaafada caasimada waqtiga xili roobadka si looga hor tago shuban biyoodka waana in dawlada hoose ay ururiyaan qashinka dooxyada iyo biyo mareenada caasimadaiyo goobaha wadooyinka biyo fadhisinka oo cudur ka dilaaci karo been yaan loo sheegin umada hargeisa waad dayacdayee hore noo dhaafa


Xil madhan maamul la an tariikh xumo fahan la an xilka umada codkoodi ay ku siiyen waxqabadka mayarka waxa inogu filan waqtiga roobku da ayo foolxumada jidadka caasimadahargeisa iyo qashinka daadsan jidadka caasimada hargeisa shantii sano ee la doortay oo ay ku egtahay july 2017 waxa u qabsoomay golaha deeganka caasimada harg wadada airport harg halka moyarka berbera uu dhisay 65 wado oo wadada ugu yar ay tahay 8km isha u macalin ah muwaadin aragtida indhahaga ku daawo berbera iyo hargeisa kadib qiimewaxqabadka labada gole deegan

Mayarka caasimada hargeisa waxa lagu xasuusan karaa maamul xumada masuuliyad darada tacadiga ganaaxyada culusee uu dib ugu soo celiyey


Shaqaalahi dhamaan dib looga eryey dawlada hoose ee cunay dhulka danta guud dakhligii iyo bugaagta dawlada hoose ku takri falay isagoo danaynayadano gaar shaqsiyeed oo ka leeyahay dib usoo celintooda moyarka oo ku sababeeyey soo celintooda in ay yahiin shaqaale waayo arag ah eng maxd hashi isagoo ku soo rogay imtixaankii dawliga ahaa dawlada hoose si loo helo shaqaale tayo iyo aqoon leh


iyadooay caasimada hargeisa soo mareen moyarokala waqtiyo qaar ah xukumayeycaasimada hargeisa ha ahaadeen moyaro waqtigaa laga soo magacaabayey xafiiska madaxtooyada dalkahadana taariikhda iyo soyaalka dalku marna ma hilmaami karo in la xusowaxqabadkii kala du duwanaa ee ayka qabteen caasimada hargeisadhiskeeda bilicdeeda arimaha nadaafada caasimada hargeisa moyaradaa ka soo taliyay maamulka dawlada hoose waqtiyadaa mudo xileedkooda moyarnimo


Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga daawadomaamulka caasimada hargeisa haday dawlada hoose xumaato taa macnaheedu waxa weeye in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay mardambe ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha deeganka ee inagu soo fool leh labo sano ka dib hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee soo maray caasimada hargeisa iyo heerka waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo inagoo soo horaysiin doona eng maxd hashi


Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag oo aanu si fiican aanu u shaqaynayn maamulka dawladnimo hadana eng maxd hashi waxa uu isla markiiba ka bilaabay in uu wax ka qabto heerka aqooneed ee shaqaalaha ka shaqaynayey dawlada hoose isagoo dib u eegay heerkooda aqooneed waxbarasho dibna uga qaaday imtixaan waxbarasho si uu kor ugu qaado mushaharka ku filaan kara inanka shaqaalaha ah si uu badbadiyo hantida umada kana fogaado laalush iyo musuqmaasaq eng maxd hashi waxa uu u kordhiyey mushaharkii shaqaalahi ku guulaystay imtixaanka dawlada hoose ilaa heer ku filan noolasha isaga iyo caarurtiisaeng maxd hashi markuu helay shaqaale tayo leh waxa uu kordhiyey shaqadii dawlada hoose gali hore iyo galin dambe eng maxd hashi waxa uu culayska saaray dhagaysiga iyo kasbashada shacbiga caasimada ku nool isagoo dhex socon jiray isagoo kaliya si uu u qaato taladan shacbiga ku nool caasimada iyo baahiyadka tabashadooda gaarka eng hashi waxa uu aha moyarkii culayska saaray in uu dib u habeeyo qorshaha dhiska caasimada iyo jidadka caasimada si walba ha ahaate waqtigaas oo aanay suurto gal ahayn nidaamkii maamulkii dawladnimo ee jiray

Eng xusien maxamoud jiciir oo ah moyarkii ugu


nadaafadeed ee caasimada hargeisa ku sugnayd waqtigamoyar xusien jiciir oo ah moyarkii ugu horeeyey eeku yimaada cod dorosho gole deegan inakoo kazoo bilaabayna heerka waxqabad ee arimaha nadaafada caasimada harg iyo kawaanka qashinka iyo maamulka nadaafada caasimada waxa maaraynteeda laha dawlada hoose oo qashinka ka masuul ahayd iyadoo aad dareemi karto waqtigaa goobaha qashinka caasimada uu tuula iyo nadaafad xumadii iyo bilic xumadii isla waqtiga moyar jiciir isagoo eegaya sida ugu haboon ee qashinka caasimada wax loga qaban laha oo ah heer caalami waxa uu ku wareejiyey qashinkii shirkada private sectors oo uu ku gunayn jiray dawlad hoose kaab dhaqaale siday shirkadahaasi usii kordhin lahayeen heerkooda waxqabad sidoo kale waxa uu ka dhex saaray kawaankii caasimada hargeisa oo uu gaadhay qorshahii dhiska caasimada oo uu ku wareejiyey shirkada private sectorsmarkaynu barbar dhigno moyaradii soo maray eng xusien maxamuod jiciir waxa uu ka hir galiyey daafaha caasimada jidad isku xidha degmooyinka caasimada si ay u fududato simxada wado marida jidadkaas oo uu ka hir galiyey dagmo kasta jid gaadhaya dherer 8km isugayn 26 wado oo laami ah ayuu ka hir haliyay caasimada hargeisa


Halka moyar cabbirahmon sotelco oo hada soo dhamaystirayajidkii ugu dheera ee dawlada hoose wax ka qabatay kaas ooh jidka airport halka july 2017 uu ku eg yahay waqtigii mudo xiloodkoda golahan deeganka markaan lagu darin mudo kordhintan dambe

waxqabadka badnaa caasimada hargeisa moyaradii soo maray marka loo eego heerka maamul waxqabad


: Dr Buux

Fayo-dhawre madax bannaan

la soco

[email protected]

0634130821

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...