Gabay Baroor Diiq Ah

0
Wednesday May 15, 2019 - 09:01:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabay Baroor Diiq Ah

    Rabbi Jannooyin kiisa haku casuumo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabbi Jannooyin kiisa haku casuumo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf
 "Cabdi-waraabe". Allaah godka ha u nuuro. Dhammaanteenna samir iyo iimaan haynagu dejiyo
Innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun.




Maalinba qof baa ciirayoo mawdku celiyaaye
Cimrigii adduunkaw xukuman cago u saarkaase
Culimmiyo cuqaal iyo cawaan caasi xume beera
Cayddiyo cirrooliyo carruur curaddo waayeela

Marhaddaan cid loo daynahayn wayska caad madhane
Carradiyo dhulkaa hoose ee lagu carceeraayo
Ayaa loo carrawtiin yahoo cidina dhaafayne
Cadiimkaa qadderay oo waqtigu waa cad kuu go’ane
Cibro qaadashiyo bayna tahay noole cayinkiise

Caawana war Calankii dejoo ciiddu nagu oyday
Cabdi ina Xuseen baa arliga laga cidlaysiiyey
Oo caalamkii nolosha kale caaddil qabadsiiyey
Walaw samirku caynaano yahay culuqa kaa reeba
Bal se caynaddiisii ayaan cidi illaabayne
Cakuyeey karaamada Insigu waata caamka ahe
Cad se gaar u ladhan baa jiriyo caaqil goonniyahe
Cimlaaqyada adduunkaw caddilan ciiris dabadeede
Walaw caalamkaba uu ku yahay caalim laga oofshey
Afrikana culayskuu hayiyo ceelki ka abaaday
Wax se ay cibaaradu ku timi cududda Soomaale

Cirka iyo dhulkoo idil kolkii laysku wada cuursho
Cisi waxawgu mudan Nabadda oo lagu caweeyaaye
Cabbir nabaddu laaduu ahaa caynad goonniyahe

Cillad iyo markay taagan tahay cadho qabiileedku
Ee caaradhuub duulaysiyo ciisku walafleeyo
Cakirraan markay joogsatiyo car iyo duullaanka
Cilmi uu yaqaanniyo bulshada camaladdeediiye
Codkar iyo siduu eebbahay caafi uga yeelay
Cabbirkii Insaankuu ahaa caynad goonniyahe

Cilcillaw haddii xaajo gole lagu casuumaayo
Oo ciriq indheer soo jiriyo cudur la diidaayo
Cadli iyo intuu garasho dheer hadal cajiibeeyo
Xaqii uu ku caanbaxay siduu ugu caddaaleeyey
Cabbirkii caddaalkuu ahaa caynad goonniyahe

Carcaraha abaar lagu cad-go'ay cimilo yaab keentay
Oo carunka geedaha baxiyo ceelki laga waayey
Oo caydh lawada joogsadiyo caato dubayowday
Cashaday u daran tahay kolkii laysu celinwaayo
Ee caalle shilinkuu hayaba caynka ku adkaysto
Kolka uu wuxuu caabbin karo soo cawil jeerba
Codka uu dhawaaqana ka kale ceebta kaga baydhye
Cabbirkii furnaantuu ahaa caynad goonniyahe

Cabbudh iyo haddii ciilqab iyo caalaq bixi waayo
Oo cudur siyaasadi dhashiyo cirirku dheeraado
Oo qaran curyaan laga dhigoo caagle lagu waasho
Oo coobba karintiyo hujuun laysku carinaayo
Oo ciiraciiraha fidmadu calanwallaynayso
Car na eega car bal juuqdhe iyo cagajuglayn aadmi
Cabsidiyo qudh-gooyada naftana cidiba eegaynin
Isagoo in caw loo jariyo cudud ka yaabaynnin
Cabdi maalintaasuu cod dheer ku cindanaan jiraye
Codka shacabka iyo wuxu ahaa caynad goonniyahe

Haddii qaranka ceeryaamo iyo ciiro sababayso
Oo cidhif illaa cidhifka kale cadaw ka soo duulo
Ama ay dadkiisuba carqalad ugu cargaagshaanba
Oo canaad dhibaatiyo la bado cammalad laayaanka
Canaan iyo intuu kula dhexdhaco hadal caddaantiisa
Oo cawaaqib kiyo uu kadigo qaran la caansiirsho
Inaan dawlad calankeedu dhacay lagu cad-roonaanin
Caqad iyo heshiis buu ahaa caynad goonniyahe

Waxba yaan catoow iyo dareen igu cillaysnaane
Cadligaaga Eebbow adaan ciniq ku seegayne
Cadaabaha Ilaahow ka dhawr waa codsanaynaaye
Jannadana ku cayntee Alloow waa codsanaynaaye


Curinta Farxaan Maxamuud Maxamed Dhegey

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...