Madaxwaynaha Aan Hadlin Iyo Dalka Uu Maamulo

0
Wednesday March 06, 2019 - 11:54:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Aan Hadlin Iyo Dalka Uu Maamulo

    Dad badan oo reer Algeria ah ayay ku adagtahay in ay fahmaan sida madaxweynahooda oo 82 jir, 6 sanno ka horna uu ku dhacay xanuunka shalalka, kaas oo uu hadalka ku adagyahay, aanana socon karin uu dalkaas usii maamuli karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo reer Algeria ah ayay ku adagtahay in ay fahmaan sida madaxweynahooda oo 82 jir, 6 sanno ka horna uu ku dhacay xanuunka shalalka, kaas oo uu hadalka ku adagyahay, aanana socon karin uu dalkaas usii maamuli karo.

Dadka ayaa aad usii yaabay markii uu ku dhowaaqay in markii 5-aad uu isu soo taagay xilka madaxweynenimada.

Markii maalintii axadda ay musharixiinta isu diiwaangalinayeen doorashada, isaga waa uu iman waayay caafimaad darro awgeed.

Kumanaan qof ayay taas ku kaliftay in ay dariiqyada isugu soo baxaan, kana banaan baxaan musharaxnimadiisa.

Markii ugu dambeysay ee uu dadka la hadlay waxa ay ahayd 2014-kii, xilligaas oo uu khudbad ka jeediyay taleefishinka.

Dadka reer Algeria aad ayay u nasiib badanyihiin haddiiba ay mar iyo labo ka arkaan taleefishinka isaga oo salaamaya wafti soo booqday dalka. Haddii kale maba arkayaan madaxweynahooda muddo aad u dheer.

Doorashadii hore waxa uu muujiyay dareen ah in uu xilka wareejin doono, balse sannadkii hore ayay kala caddaatay in xisbigiisa uu isaga usoo sharaxayo xilka markale.

Isaga si shaqsi ah uma galo ololaha doorashada, waxaa hawshaas u qabta xisbigiisa, balse sidaas oo ay tahay ma jiro qof cadcad oo la tartami kara.

Xisbiyada mucaaradka waa kuwa aad u kala qeybsan, xisbigana talada hayana ma jirto qof muuqda oo ay soo saareen illaa iyo hadda oo xitaa la fili karo in uu badelo madaxweynaha.

Xisbiga talada haya ee FLN waxa uu dalkaas soo xukumayay tan iyo markii uu xornimada qaatay sannadkii 1962-dii. Waxaa inta badan awoodda inteeda badan gacanta ku haya saraakiisha sarsare ee xisbiga, jeneraalada ciidanka iyo waliba ganacsato waaweyn.

Waxaa jira qaar ka mid hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo dowladda marar badan heshiisyo la galay ama siyaabo kale ugu qancay dowladda, taas oo ka dhigtay kuwa aan sumcad lahayn.

Hase yeeshee dagaalkii sokeeye ee dhamaaday 2002-dii ayaa dad badan ku keenay in ay wax kasta ay ka doortaan xasiloonida dalka ka jirta.

Sources: BBC.


Loading...
Loading...