Kaftanka Manta, Igu Garro . W/Q: Axmed Nuur Guruje.

0
Wednesday March 06, 2019 - 09:54:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Manta, Igu Garro . W/Q: Axmed Nuur Guruje.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waagii horre aroosyada marka la joogo , marka la arko wiil si dardarle u shaqaynaya oo kolba arooska dhegta wax u saaraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waagii horre aroosyada marka la joogo , marka la arko wiil si dardarle u shaqaynaya oo kolba arooska dhegta wax u saaraya , marka habluhu is waydiiyaan wuxuu yahay waxay odhan jireen waa igu garro , oo macnaheedu yahay waa qoyska arooska .

imka waa halkaase , hadaad aragto Samaale oo Ina Cabdi dheere uun ag taagan , oo jaanisba lahayn waa igu garro .

Hadaad aragto , Xuseen badhaani oo intuu suu xidhay Madaxwaynaha agtaagana waa igu garro , ilayn Siilaanyaba muu agtaagnaan jirine .

Hadaad aragto Ina xaaji Ismaaciil oo habeen iyo maalin dood iyo muran lasoo taagan waa igu garro , dawladii horrebe muu difaaci jirine .

Hadaad aragto maxbuus la xidhay oo into lasii daayey Madaxda sarre soo salaamayna Iyana waa igu garro ilayn kuwa kaleba ma gaadhaane .

Hadaad aragto dhalinyaro heegan u ah difaaca dawlada oo isku wada sumad ahna waa igu garo ilayn aragti iyo ujeeda ay difaacayaan oo kale iskumay soo xulane .

Hadaad aragto mid iska dhigaya in uu dalka dadka ka jecel yahay oo uu keligii muwaadin yahayna, dalka waa loo wada dhashay waana lawa jecel yahaye waa igu garro .

dee markaa waa igu wada garadaas oo miidhane , way is wada harowsanaysaa .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...