Qof Isxaan Uu Sameeyay Ku Helay 1.5 Bilyan Oo Doolar

0
Wednesday March 06, 2019 - 08:38:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Isxaan Uu Sameeyay Ku Helay 1.5 Bilyan Oo Doolar

    Qofka ku guulaystay bakhtiyaanasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa isxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka ku guulaystay bakhtiyaanasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa isxaan sameeyay oo qof iska hormariyay isaga oo tigit ka gadanayay South Carolina, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qofkan oo doortay in magaciisa la qariyo ayaa isxaan sahlan sameeyay, kaas oo u horseeday natiijo cajiib ah", sida ay sheegeen masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka.

Marka canshuurta laga jaro ka dib waxaa qofkan loo shubi doonaa 877 milyan oo doolar.

Shaqsigan aan magaciisa la shaacin ayaa la galban doona lacagtii ugu badnayd ee uu abid shaqsi kali ah bakhtiyaanasiib ugu guulaysto marka laga hadlayo dalka Maraykanka.

Masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka oo dib u milicsanaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in qofka guulaystay uu isxaan u sameeyay qof kale iskana hor mariyay markii uu gadanayay tikidka, taasina ay u horseeday guusha uu gaaray.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in mashiin uu lambaradda bakhtiyaanasiibka u bixinayay si aan isku xigxigin oo is dhaafsan.

Hogan Brown oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee bakhtiyaanasiibka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri: "Waxaan ku faraxsannahay in qofka ku guulaystay uu ku sugan yahay South Carolina, isla markaasna uu shirkadda u yimid si uu ugu caddeeyo in uu yahay qofka ku guulaystay qiimahan cajiibka ah."

Ninka leh dukaanka KC Mart ee iibiyay tikitka guulaystay ayaa sheegay in 50,000 ee uu heli doono uu ku dayactiri doono dukaankiisa.

"Waa farxad ballaaran, anigana way ii wanaagsan tahay, isaga ama iyada qofkuu doonaba ha noqdee way u wanaagsan tahay ayuu yiri Chirag Patel oo dukaanka ku leh deegaanka Greenville.

South Carolina ayaa ka mid ah gobollada aan badnay ee ogol in qofka guulaysta uu is qariyo.

Kuwa kale waxaa ka mid ah Delaware, Ohio, Kansas, Maryland, Georgia, North Dakota, iyoTexas.

Sources: BBC


Loading...
Loading...