Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Soo Bandhigay Saddex Qaybood Oo Haay'adahu u QaybiyeenDalka Somaliland.
Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa sheegay in Haay’addaha Caalamiga ah ee mashaariicda somaliland ka fuliya ay dalkii u qaybiyeen saddex qaybood mid kastabaa ku tusayso amaanka deegaankaasi sida uu yahay.
Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidaas ka sheegay madal qado sharaf loogu samaynayay madax dhaqameed ka socday beelaha warsan-gali waxaana uu mashaariic laga fuliyo gobolada bariga ku xidhay shuruudo ay kow ka tahay amaanku.
"Anigu wasiirkii arimaha gudaha ayaan ahay qoladda ajihanibka ahi marka ay yimadaan ee aan indhaadho inaad ceerigaabo iyo laas-caanood tagtaan weeyaan war wareeg faro badan ayay ka hadlaan oo war wareega ay ka hadlaan waxa weeyaan nabad galiyo daro,lakiin maxay rabaan waxa ay doonayaa inta ay hargaysa ka shaqo tagaan ay boorama tagaan marka ay shaqadooda dhamaystaana way seexdaan marka ay shaqadooda dhamaystaana way ka imadaan.
Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed kaahin ayaa soo bandhigay saddexda qaybood ee haay’addahu u qaybiyeen dalkii somaliland waxaana uu yidhi.
"saddex meelood ayay dalkii haay’adahu u qaybiyeen waa cagaar,casaan iyo huruud,giriinka waxa ay u yaqaaniin waa nabad galiyo waad seexan kartaa waad taki kartaa maal-galina waad ku samayn kartaa,huruuda waxa ay u yaqaaniin haay’adahu waa taki kartaa goobta waanad ka soo shaqayn kartaa lakiin maseexan kartid,casaankana waxa ay u yaqaaniin mataki kartid waxba kama fulin kartid waxna kama samayn kartid.
Wasiirka ayaa sheegay in deegaanada bariga somaliland ay haay’addahu ka aaminsan yihiin in ay saran tahay caalamadda casaanki ahi taasi oo ku tusaysa inaad wax mashaariica lagu fulin Karin isaga bulshadda ugu baaqay si ay mashaariicdu u soo gadhaan in ay ka shaqeeyaan amaankooda.