Orodyahanada Mo Faarax Iyo Haile Gebrselassie Oo Gorodda Iskula Jira + Sababta.

0
Thursday April 25, 2019 - 15:21:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanada Mo Faarax Iyo Haile Gebrselassie Oo Gorodda Iskula Jira + Sababta.

    Labada orodyahan ee caanka ah ee afarta jeer qaaday koobka orodada ciyaaraha olimbikada adduunka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada orodyahan ee caanka ah ee afarta jeer qaaday koobka orodada ciyaaraha olimbikada adduunka, Mo Faarax iyo Haile Gebrselassie ayuu dhexmaray muran xoog badan oo la xiriira xatooyo ka dhacday hoteel Addis Ababa ku yaala.


Mo Faarax ayaa sheegay in qolkii uu ka degenaa hoteel uu leeyahay Haile looga xaday lacag, labo taleefoon iyo saacad qaali ah, islamarkaasna uu arrintaas wax ka qaban waayay Haile.

"Aad ayaan oga niyadjabay Haile" ayuu war qoraal ah ku yiri Mo Faarax, balse Haile ayaa dhankiisa Mo ku eedeeyay in uu wado magac dil iyo rakaato.

Mo Faarax oo war murtiyeed soo gaarsiiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu ka fikirayo in uu dacwad ku oogo Haile iyo hoteelkiisa.



Jawaabta Haile


Haile ayaa sheegay in dadka hoteelkiisa soo dega lagu wargaliyo in haddii uu qofka wato wax ka badan $350 oo lacag ah uu ku wargaliyo maamulka hoteelka si meel loogu dhigo ama uu ugu xaraysto qasnadda qolka u dhex taala, taas oo uusan samaynin Mo Faarax.


Waxa uu intaas ku daray in xatooyada la sheegay lagu wargaliyay booliiska, islamarkaasna baaritaan lagu sameeyay shan ka mid ah shaqaalaha hoteelka, kuwaas oo la siidaayay markii wax lagu waayay.


Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha hoteelka ay Mo Faarax kasoo sheegteen xurmad darro iyo in uu si xun ula dhaqmay.

Haile waxa uu intaas ku daray in Mo Faarax uu hoteelka kala tagay lacag dhan £2,170 oo ahayd tii lagu yeeshay intii uu hoteelka degenaa isaga iyo dadkii la socday.


Intaas kuma uusan ekaanin, waxa uu sheegay in Mo Faarax lagu furay dacwad in uu weeraray qof xaas ah oo ka mid ah orodyahanada. Balse markii dambe dacwadda laga noqday kadib markii uu isaga soo dhexgalay.

Mo Faarax ayaa hadalka Haile kaga jawaabay in uu aad uga niyad jabay waxa uu ka sheegay, wuxuuna intaas ku daray in aysan waxbo ka jirin sida uu wax u sheegay Haile.


"Hotelka waxa ay balanqaadeen in ay magdhabayaan lacagtii la xaday, balse waa ay ka laabtay kadib markii Mo Faarax uu isaga guurey hoteelka sababo la xiriira amniga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mo Faarax.

Mo Faarax waxa uu diyaar u yahay in uu wada xaajood ka galo waxa dhacay.


BBC

Loading...
Loading...