Shirkada Facebook Oo Ka Baqaysa In La Ganaaxo Iyo Cadadka Lacag Ay Meel Dhigtay.

0
Thursday April 25, 2019 - 11:31:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Facebook Oo Ka Baqaysa In La Ganaaxo Iyo Cadadka Lacag Ay Meel Dhigtay.

    Sicirka saamiyada shirkadda Facebook ayaa aad sare ugu kacay Arbacadii kaas oo dhaafay saadaashii suuqada saamiyada ee Wall Street.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sicirka saamiyada shirkadda Facebook ayaa aad sare ugu kacay Arbacadii kaas oo dhaafay saadaashii suuqada saamiyada ee Wall Street. Dadka adeegsada Facebook ugu yaraan bishii mar qudha ayaa tiradoodu korodhay boqolkiiba sideed marka la barbar dhigo kal hore haddaa. Hase ahaa faa'iidada saamileyda u hoyanaysa ayaa yaraan doonta maadaama oo shirkaddu lacag badan u qoondaysay ganaax culus oo la filayo in wakaaladda la socodka ganacsiga ee Maraykanku ku soo rogto.



Culays dhaqaale oo intee la eg ayaa shirkadda Facebook ka soo gaari doonta fadeexaddii shirkadda Cambridge Analytica ayaa la is waydiinayay, Shirkadda oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa soo bandhigtay in ay rajaynayso in ilaa 5 bilyan oo ganaax ah ay kala kulmi doonto wakaaladda la socodka ganacsiga.

Iyada oo arrintaas isu diyaarinaysa ayayna kaydisay 3 bilyan oo doolar oo ka mid ah faa’iidadii soo gashay saddexdii bilood ee la soo dhaafay taas oo ka dhigan in ay markaas faa’iido ahaan ugu soo hartay 2.4 bilyan oo doolar oo dheeri ah. arrintaasina ma xuma.


Lacagta ay meesha halmar dhigtayna waxay ka dhigan tahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay yididiilo lahayd.

Fa’iidada soo gashay shirkadda Facebook ayaa 26% ka badan middii soo gashay sannadkii hore markii wakhtigan oo kale la marayay.

Dadka bil walba isticmaala adeegyada ay shirkadda Facebook bixiso ayaa hadda maraya 2.7 bilyan oo ruux.


Saamiyada shirkadda ayaa sare u kacay saacado gudahood.

Maalgashadeyaal badan oo sannadkii hore isaga hayaamay ayaana u muuqda in ay hadda ku kalsoon yihiin in shirkadda Facebook ay xakamaysay dhaawicii soo gaaray.


Sikastaba ha ahaatee wargayska Washigton Post ayaa horay ugu warramay in wakaaladda xakamayntu ay ka baaraan dagayso in shirkadda lagu qabso in ay wax ka badasho sida loo maamulo.

Mark Zuckerberg oo aad loo dhaliilay hoggaamintiisa ayaa hadda ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkadda.


BBC.

Loading...
Loading...