Amiir William-ka Britain Oo La Kulmaya Dadkii Lagu Weeraray Masaajidada New Zealand

0
Thursday April 25, 2019 - 07:32:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiir William-ka Britain Oo La Kulmaya Dadkii Lagu Weeraray Masaajidada New Zealand

    Amiirka labaad ee leh dhaxalka boqortooyada Britain William Arthur Philip oo lagu naanayso Duke of Cambridge ayaa ka dagay dalka New Zealand,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiirka labaad ee leh dhaxalka boqortooyada Britain William Arthur Philip oo lagu naanayso Duke of Cambridge ayaa ka dagay dalka New Zealand, halkaas oo uu kula kulmi doono dadkii ka badbaaday weerarradii argagixisada ee lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla Christchurch iyo qoysaska dadkaas.



Booqashada amiirka oo labo maalmood ah ayaa ka billaabanaysa xuska Anzac Day oo lagu maamuuso askartii hore ee Australia iyo New Zealand.


Wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa dadkii ay saameeyeen weerarradii bishii Maarso dhacay ee 50 ruux ay ku dhinteen.

Amiirka ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqan doono shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ah.


Amiir William ayaa booqashadan ku matalaya Boqoradda Ingiriiska ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heshay Ra'isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.


Maaliinta Anzac Day ayaa ku suntay dagaalkii ugu horreeyay ee wayn ee ciidammada Australia iyo New Zealand ay kaga qaybqaateen Dagaalkii Koobaad ee Adduunka.

Catherine oo ah xaaska Amiirka ayaa iyaduna munaasabad middaas la mid ah kaga qayb gali doonta Westminster Abbey oo magaalada London ku taalla.


Xafiiska boqortooyada Britain ayaa sheegay in William uu "bogaadin doona dadka reer New Zeraland isaga oo ku amaanaya garab istaagii iyo rafiiqnimadii ay muujiyeen markii ay weerarrada masaajidku dhaceen."

Ma aha markii koobaad ee Amiirku uu booqanayo Christchurch oo dhibaato ka dhacday.

Sannadkii 2011 ayuu ka qayb galay xus loo samaynayay 185 ruux oo ku dhimatay dhulgariir.


Hadal uu maalintaas jeediyay ayuu ku sheegay in uu ayaydii mar ka maqlay hadal macno ahaan u dhigma "cidda la jecel yahay ayaa loo murugoodaa, markaas ayuuna ku sii daray "halkan maanta waxaan ku sugannahay anaga oo idin jecel isla markaasna murugaysan."

BBC.

Loading...
Loading...