Ahmiyadda Kalmadda Biyo: Qalinkii Ag. Guud Jamal A. Muse, Qaybtii Koowaad.

0
Tuesday March 05, 2019 - 14:21:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahmiyadda Kalmadda Biyo: Qalinkii Ag. Guud Jamal A. Muse, Qaybtii Koowaad.

    "Gorfeynta Gudbinta Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-aragnimo Kooban"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gorfeynta Gudbinta Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-aragnimo Kooban"
Hordhac:
Ugu horreyn, aan si buuxda uga cuddur-daarto in aanan ku takhasusin aqoonta cilmiga biyaha. Sidaa awgeed, haddii aan hayl-haylo dulucda cilmiga biyaha, waxan ka bixinayaa raali-gelin wayn oo odaynimo ku dhisan. Waayo, waxaan idinla wadaagayaa waa bawsi cilmi biyoodiyo fahan kooban oo ka yimi ergiso akhris.

Dhinaca kale, waxa lama huraan ah in aad ila ogaataan in cilmiga caafimaadka iyo culuumta biyuhu ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo aqooneed. Hadaba, iyada oo sidaasi ah, waxan jeclahay in dhuuxa qormadan Ahmiyadda Kalmadda Biyo an ku soo ururiyo qoddobo kooban oo ay ka mid yihiin:
▪Gorfeynta Macnaha Guud Ee Biyaha,
▪Ilaha Iyo Isticmaalka Biyaha,
▪ Muhiimadda Helitaanka Biyaha,
▪Maal-gashiga Addeegga Biyaha,
▪Farsamada Iyo Duxda Cilmiga Biyaha,
▪Kobcinta Nadaafadda Biyaha,
▪Doorka Gudbinta Xanuunada,
▪ Horumarka Dalka iyo Kaalinta Biyaha,
▪Gooniyeynta Lahaanshaha Biyaha,
▪Shuruucda iyo Nidaamyada Biyaha,
▪Maamulka/maareynta Addeegyada Biyaha,
▪Horumarinta Kaabeyaasha Biyaha Dalka.


Gorfeynta Macnaha Guud Ee Kalmadda Biyo:
Marka hore, waxa muhiim ah in aynnu jawaab sugan u hello, waydiinta ah, Waa Maxay macnaha guud ee Kalmadda Biyo?. Sidaa darteed, aan sharax kooban ka bixiyo dahaadhka iyo duugnaanta macnaha guud ee magaca kalmadda Biyo, aniga oo diiradda saaraya degsiimada biyaha, astaamaha, muuqaalka iyo isku dhiska Biyaha.

Run ahaantii, kalmadda Biyo waxay leedahay dhismaha iyo astaamahan soo socda:
▪ Waa Curiye ka kooban labo walxood oo kala ah, Hydrogen iyo Oxgens "Hal Hydrogen iyo Labo Oxgygens".
▪Waa Waalax Dareere ah oo bilaa midab ah "Colourless"
▪Waa Walax gudbiye ah "Transparent",
▪Waa Walax bilaa ur ah "Odurless",
▪ Waa walax Millan Samaysa,
▪ Waa Walax lagu tilmaamo aasaaska nolosha noolaha koonka ku dhaqan.
▪ Iwm.

Ilaha Iyo Noocyada Isticmaalka Biyaha:
Bal aan taxo qaybo ka mid ah ilaha iyo nocyada isticmaalka biyaha, tusaale:

1. Biyaha Oogada Dhulka "Surface Water", oo ay ka mid yihiin Biyaha Wabiyada "Rivers", biyaha Biyo xidheenada, Biyaha Haraha/Waraha "Lakes", Kayd Biyoodyada Dabiici/sameys ah "Reservoirs" , Biyaha Roobka "Rainy water" iyo Biyaha durdurada.

2. Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga "Ground Water" sida ceelasha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban.
3. Biyaha Badda,
4. Biyaha Qabashada Laga Helo Qabashada Majaroorka.
5. Utility grade water,
6. Working grade water,
7. Drinking water,
8.Iwm.....

La soco qaybaha kale.....

Jamal A. Muse

Ag. Guud Ee W. H. Biyaha JSL.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...