Madaxweynaha Masar oo Sheegay inuu Taageero kasta la Garab Taagan Yahay Soomaaliya

0
Wednesday April 24, 2019 - 07:59:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar oo Sheegay inuu Taageero kasta la Garab Taagan Yahay Soomaaliya

    Qaahira(HWN)- Madaxweynaha Masar President Abdel Fatah al-Sisi ayaa Salaasadii la kulmay madaxweynaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira(HWN)- Madaxweynaha Masar President Abdel Fatah al-Sisi ayaa Salaasadii la kulmay madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay ka wadahadleen wax loogu yeedhay horumarka dawladda Soomaaliya samaysay, sidaasna waxa sheegay Egypt Today.



Afhayeenka madaxtooyadda Masar ayaa sheegay in madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi uu dhigiisa Soomaaliya u caddeeyey inay ka go’an tahay inay sii wadaan xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya. Waxaanu sheegay in madaxweynaha Masar shirka ka sheegay inuu siinayo taageero kasta oo uu u baahan tahay Soomaaliya si loo dhiso Hay’adihii dawliga ah ee Soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu soo dhaweeyey sida ay Masar ugu heellan tahay inay wax la qabato dalkiisa, waxa kaloo uu ku ammaanay Madaxweynaha Masar martigelinta shirkii Midowga Afrika ee lagaga hadlayey arrimaha Suudaan iyo Liibiya.


Waxa shirkaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mr.Sameh Shokry iyo Madaxa Guud ee Hay’adda Sirdoonka Masar Abbas Kamel.

Loading...
Loading...