Waddani Oo Heshiiskii Kulmiye Iyo Ucid Ku Xidhiidhiyey In Dawlada Imaaraadku Gacan Ku Lahayd

0
Tuesday April 23, 2019 - 23:34:59 in News by
  • Visits: 2902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Heshiiskii Kulmiye Iyo Ucid Ku Xidhiidhiyey In Dawlada Imaaraadku Gacan Ku Lahayd

    Waddani Oo Heshiiskii Kulmiye Iyo Ucid Ku Xidhiidhiyey In Dawlada Imaaraadku Gacan Ku Lahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddani Oo Heshiiskii Kulmiye Iyo Ucid Ku Xidhiidhiyey In Dawlada Imaaraadku Gacan Ku Lahayd


Hargeysa(HWN):-xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka jawaabay heshiiska ay xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye ay sheegeen inay ka gaadheen arimo la xidhiidha doorashooyinka somaliland.

Image result for Cismaan Afgaab


Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur oo ka hadlay talaabada ay qaadeen labada xisbi ayaa sheegay inaanay ahayn mid suura galaysa, isaga oo dawlada imaaraadkana ku eedeeyey inay faragelin ku hayso arimaha doorashooyinka.


Gudoomiye Cismaan Afgaab oo ugu horayn ka hadlaya heshiiskii Kulmiye iyo Ucid gaadheen ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Maaha markii ugu horaysay ee ay yidhaahdan Ucid Iyo Kulmiye doorasho ayaanu wada galaynaa balse waa markii labaad laakiin waa foolxumo iyo sharcigii dalka oo lagu tumanayo, xisbiga Waddanina doorasho dalka ka dhacaysa lagama maqnaysiin karo, kamana maqnaan karo cid ku matali kartaana ma jirto, doorasho aanu xisbiga Waddani ku jirina dalka kama dhacaysa, xisbiga Waddani muu go’aansan inuu doorashooyinka ka hadho, cid odhanaysa waad ka hadhaysaana ma jirto cid ku khasbaysa arin sharci daro ah oo aan cadaalad ku salaysnayna ma jirto, sidaas darteed waxay noqonaysaa in talaabo aan fiicnayn uu qaadayo xisbiga talada haya, dalkkuna uu ku hogaaminayo meelo badan oo aanu ka hayno waxaanay abuurayaan khalkhal.”


Gudoomiye Cismaan Afgaab oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay hada soo baxayaan wajiyo qarsoon oo xisbiga Kulmiye ku daba dhuumanaya iyo fara gelin imaaraadku ku hayo arimaha somaliland waxaanu yidhi "Wajiyo qarsoon ayaana soo baxaya, madaxweynuhuna waakii hada ka soo noqday safar, safarkaasna go’aano ayuu kala noqday, go’aanadii uu madaxweynuhu la soo noqday ayaanay ka mid tahay tan ay maanta ku dhawaaqeen, waana la arkayey maalintii dhawayd in wasiirka arimaha dibadu uu yidhi dawlada imaaraadka ayaanu heshiis la soo galnay kaas oo uu sheegay inay ugu muhiimsanayd la dagaalanka argagixisada sidaas darteed somaliland ma yaalo argagixiso culays ah oo dalka ka jiraa balse waxay soo saxeexeen sidii dadka reer somaliland loola dagaalami lahaa iyo sidii loo abuuri lahaa wax aan maanta dalka ka jirin, taas ayaana bilaw tan ay leeyihiin maanta ayaanu ku heshiinayna taas ayey bilaw u tahay.”


Gudoomiye Cismaan Afgaab ayaa intaas raaciyey "Waxaanu leenahay waar ka daaya doorasho aanaan ku jirin dalka ka dhici mayso, komishanka maanta joogaana haddii aanaan raali ka ahayn kuma shaqayn karo doonista iyo raali ahaanshaha kulmiye sidaas darteed komishankan kalsoonida waanu kala noqonay mana shaqayn karaan haddii ay isleeyihiin waxaad isticmaali kartaan awooda wadanku leeyahay waxaanu leenahay waa beentiin.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in dawladu imaaraadku ay faragelin baahsan ku hayso somaliland "Dawlada imaaraadku marna kalamay bixin somaliland sidii wadanka badh loogu wareejiyey, imikana jeelal dadka lagu cadaabi doono ayaa dalka laga dhisayaa kuwaas oo imaaraadku leeyahay, dekedeenii ayaa lagu wareejiyey oo mudo sadex sano ah ay haystaan wax aynu ka helnaana aanay jirin wax laynoogu badalayna aanay jirin, doorashooyinkeenii hore ayey khalkhaliyeen ilaa imikana heshiisyo ayaa lala soo galayaa markaa imaaraadku waxay ka mid yihiin dadka wadanka burburinaya ee gacansaarka la leh Kulmiye.”


Gudoomiye Cismaan Afgaab ayaa hadalkiisa ku soo xidhay "Maanta in boorsada lagu soo qaato malaayiin doolar oo somaliland lagu burburinayo oo Kulmiye horseed u noqdo waa arin foolxumo ah laakiin waxaanu rajaynaynaa inay shacabka somaliland dareensan yihiin talada xumida kulmiye iyo siday u wadaan dalka, arinta kaliya ee meesha taagana waxa weeyaan in Kulmiye sharciga ilaaliyo.”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha dhexe ee Waddani Cismaan Afgaab oo u waramay saabtv.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...