"Maanta Somaliland Waxa Madaxweyne Ka Ah Muuse Biixi Oo U Maamulaya Hab Ku Tagri Fal Ah"….Abwaan Sakariye Awaare

0
Tuesday April 23, 2019 - 23:07:34 in News by
  • Visits: 2261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maanta Somaliland Waxa Madaxweyne Ka Ah Muuse Biixi Oo U Maamulaya Hab Ku Tagri Fal Ah"….Abwaan Sakariye Awaare

    "Maanta Somaliland Waxa Madaxweyne Ka Ah Muuse Biixi Oo U Maamulaya Hab Ku Tagri Fal Ah"….Abwaan Sakariye Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta Somaliland Waxa Madaxweyne Ka Ah Muuse Biixi Oo U Maamulaya Hab Ku Tagri Fal Ah"….Abwaan Sakariye Awaare


Hargeysa(HWN):-Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed(Awaare) ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu wadanka u maamulayo hab ku tagri fal ah.




Abwaan Sakariye Awaare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay sida ay dawladnimada uga faa,iidaystaan cid la hayb ah kolba madaxweynaha jooga.


Abwaan Sakariye Awaare ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-


Reeraha Soomaaliyeed oo dhani waa gob badhax la'a. Reerka uu Muuse Biixi ka dhashayna kuwaas ayey ka mid yihiin, weliba waa hormuudka Xaddaradda reer woqooyi. Waa iska caado Soomaaliyeed in had iyo goor ay Xukuumadaha markaa jira dhex cararaan shakhsiyaad mar ba ninka Madaxweynaha ah la hayb ah oo sumcad-darro u soo jiida Madaxweynahaas iyo Qabiilkiisa ba.


Xilligii Gen: Maxamed Siyaad Barre wey jireen qofafkaas oo badani, intii ka danbaysayna wey jireen. Waxay ugu darnnayd waagii Siilaanyo uu dalka joogey, oo ay ku shirbaynayeen waddanka dhallinyaro jaanis aanay filayn helay, taasna waxa laga dhexlay qabiilkii Siilaanyo ahaa intay Yiroowe iyo Burco ba isaga soo habarwacdeen ayay dadkii rabash miidhan ku fureen, dunida waxa gaadhay reerkaasi wuu ka dhiigaystey Madaxtooyada iyada oo ay Boqolkii ba Sagaashan 90% Cunto la'aan, biyo la'aan iyo Abaaro u le'anayeen, bal se waxa ku tijaaray magaca qabiilka Siilaanyo waxa ay ahaayeen ashkhaas kooban oo la wada ogyahay.


Hadda ba maanta waxa Soomaaliland ka ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u maamulaya hab ku tagrri-fal ah, sidaas oo ay tahay kolley cidda haybta la wedaagtana Eed badani way u soo hoyanaysaa, bal se waxa hubaal ah inta badani in ay qatan yihiin ama isaga iyo xukunkiisu ay dulmiyaan ba.
Dumarkan ka barooranayey halka laga dhisayo Madaxtooyada cusub laga yaa baa in ay qaar is xigaan ba Madaxweynaha ama kuwo badan oo uurka ka ooyaya oo aynaan ogayn meel ay isku ciilkaambiyayaan.


Nin siyaasi ah reer looma nisbayn karo, bal se marka aan anigu Madaxweyne reerkiisa maago ama qof kale oo isku wada qaadaya aan arko waxa aan u fahmaa uun in loo jeedo Madaxweynaha Xukun haysta iyo Qofaf dhuuni-raac ah oo la hayb ah oo isku daya in shacabka cabbudhiyaan, iyaga oo aan isna u tudhayn dadkana u tudhayn hadafkooduna uu ku kooban yahay soor.


Tixda Caanka ah ee uu AHN: Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye: ka tiriyey shirkii Jabhadihii SNM iyo SSDF ee ka dhacay Magaalada Jigjiga Ethopia 1987-kii. Ayaa waxa ka mid ahaa erayo uu kula hadllayo Abwaankii isna AHN: la odhan jirey Cabdiqaadir Xirsi Yamyam oo waagii danbe Siyaad maamulkiisa la dhacsanaa, waxa uu u sheegayey in aan Madaxweynahan uu reer ahaanta ku difaacayaa laftiisu reerkooda naf u hayn, waxa uu soo qaadanayaa Inaadeerkii oo uu dilay oo islaantiisii ay gam'i weydey iyo rag uu derajada ka xayuubiyey oo la hayb ahaa oo uu ka mid ahaa, Cumar Xaaji Masalle. Isaga oo ujeedkiisu ahaa Yamyamow Siyaad Barre ha ugu hiilin Qabiilnnimo.


"Wax ba yaan laftuu yahay Sursuur, Seefta loo raminne
Wax badan buu dab saar inuu ka dhigo, suubshe falowgeede
Cidnna kuma samayn tuu ku falay, Saalaxow Gedo'e
Ifka seeji Aakhirana wuu, sahayday qaarkoode
Goortaan ku saaqiday inaan, sawdka maqashiiyo
Ee dani u seetaysay bay, daba saqleeyeene,


Laxawsiga haddaan siri ku jirin, Sedaha uu waalay
Yamyamow Siraad Yuusuf baan, silic maryaaddeene
Sariirtay habeen nool ninkii, qabey su'aashaaye
Iyadana sidaa looma deyin, sacab warkiideeye,


Cumarkuu sarreyaha ka dhigay, dib u suldaareeye
Waatuu surwaalkii ka furey, sulubki gaabnnaaye
Isagiyo Suxuurkuu wataa, waa u simanyiine
Goortuu Sulddaanku isu baqo, saydhi caanaha e,


Ma yaqaan siddiiq iyo tol iyo, Jodobow saaxiibe
Wuxu Samatar eersaday kursiga, maalintuu sigaye
Taftii Suubban baa lagu gilgilay, Ina Saleebeen e,


Shilkii Soonti dhacay baa u digay, qoyski saransaare
Maslax wuxu siddiqay waanaday, siisay maamaduye
Waakaa sallaankii u baxay, aal sucuudiga e."


Macnaha Erayada Gabayga Ku Jira:


Sursuur = M. Siyaad Barre.


Sede = Reerka uu Siyaad Barre ka dhashay magacooda.


Gedo = Gobolka Garbaahe oo Siyaad Barre ka soo jeedo.


Cumar = Sarreeye Gaas: Cumar Xaaji Masalle oo ay Ina Siyaad is xigeen.


Suxuur = Sixirrooleyaal Siyaad u faalin jirey.


Suubban = Gabadh uu dhalay Maxamed Siyaad.


Ina Saleebaan = Ina Saleevaan Daflle, Wasiirkii Qorshaynta Soomaaliya 1976-kii oo ahaa ninka qaba Suubban Maxamed Siyaad Barre.


Hadda ba Xukuumadaha waxa ka faa'ideysta dad Madaxweynaha ay is xigaan ama la xidid ah ee kuwaas yaynaan reer ku qiimayn.


Sharaf iyo Karaamo ayay reeraha Soomaalidu leeyihiin.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...