Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Ku Maamuustay Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee Hargeysa Ku Sugan+Sawiro

0
Tuesday April 23, 2019 - 23:00:08 in News by
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Ku Maamuustay Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee Hargeysa Ku Sugan+Sawiro

    Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Ku Maamuustay Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee Hargeysa Ku Sugan+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Ku Maamuustay Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee Hargeysa Ku Sugan+Sawiro


Hargeysa(HWN)-Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa Munaasibad Qado-sharafeed ah oo Si Heersare ah loo soo agaasimay Ku Mamuusey Madax-dhaqameedka Beesha Warsangali ee indhawaale ku Sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa.





Munaasibadaas Qado sharafeedka ah oo ku Qabsoontey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Waxa kasoo qeyb galey Guud ahaanba Ganacsatada Somaliland ee kamidka ah Rugta Ganacsiga Somaliland,iyo Hurmuudka Madax-dhaqameedka Waftiga Beesha Warsangali ee Lagu Maamuusey oo ka kooban Labada Suldaan,Boqorka iyo Islaanta iyo Waliba Cuqaasha iyo Xubnaha ergooyinka kale ee isugu jira Waxgaradka iyo Ganacsatada Sanaag/Barri Waxaana Goob joog ka ahaa Munaasibadaasi Qado-sharafeedka ah Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Saalax,iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurmarinta Jidadka Sahal Maxamed Jaamac,Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco),iyo Marti Sharaf kale.


Ugu horeyn Waxa halka,hadal soo dhaweyn iyo Baashiraad ah ka jeediyay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim isagoo xusey in Beeshani tahey mid hore loogu yaqaaney Beeshii Ganacsiga Somaliland isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi.




"Haddaanu nahey Bahdii Ganacsiga Beesha aanu Maanta halkan ku marti qaadney Waxaanu u naqaaney Beeshii Ganacsiga,Faras Magaalaha Bakhaaradeeda waxaa ku suntanaa oo lahaa waa iyagga Waxaanaan meesha dhiganin inaad intaa ka raageysaan Waayo qolloba Waxbay ku suntaneydeen Lacagta iyo Baayacmushtar”Ayuu yidhi Jamaal Caydiid Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.


Waxa kale oo isaguna halkaa ka Hadley Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Aadan-Baradho),Waxaana kamid ahaa hadaladiisii.


"Waxaanu idinku soo dhaweyneynaa Qalbi Furan Gamaco furan Walaaltinimo’jacayl la idin jecelyahey dadkiinii oo idin jecel,oo idin tabaayay oo idiin boholyoobey ayaa idin soo dhaweynaya Soomaalidu Waxey odhan jirtey Ciyaar Soomaalidii ‘Gacal Kala Maqnaan jirey iyo Geeluba Waa isku ololaa,Waan idin tabaynay dhinaciinuna Waa nagu banaanaa,aadbaan idiin Soo dhaweynaynaa”Ayuu yidhi Xaaji Aadan Baradho.


Waxa kale oo halkaa iyaguna hadalo soo dhaweynta Qeyb ka ah ka jeediyay Wasiirka Cadaaladda Cabdirisaaq Cali Saalax iyo Maayarka Caasimada Waxaana kamid ahaa hadaladooda.




"Aad iyo Aad Ayaan ugu faraxsanahey Martiqaadyadda iyo Soo dhaweynta loo Sameeyay odoyaasha Xukuumadana Wey is arkeen Waxey wada dhigteena Waalaga dharagsan yahey,Waxa hadhey Waxa weeyi odoyaashii iyo Ganacsatadii Ganacsataduna xiligan la joogo Dawllada iyaddaa ka buuran sidaan filayo”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland.


"Waxaan filayaa inaad haddii alle yidhaa ka Dareen Celin Doontaan Waayo, Maalinba Maalinta ka dambeysa ayay hawshu socotaa hadey dhaqankii ka bilaabantey,hadey Galbeedkii noqoto,hadey Madaxweynihii tahey,koley anaku Magaaladii aad Timaadeen Ayaan nahay,oo Waxey Martiqaadkayagu tahey Khatinka Waxaanan rajeynayaa inaad ka dareen Celin doontaan Marka aad Dalkii ku Noqotaan”Ayuu yidhi Maayarka Caasimadu.


Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo jawaab celin Mahadnaq ah ka jeediyay Suldaan Maxamed Suldaan Xasan, iyo Islaan Xuseen Xaaji Cabdi oo labaduba kamid ah Hormuudka Ergada Waftiga Madaxdhaqameedka iyagoo ka hadlayana Waxa kamid ahaa hadaladoodii.




"Waxaan ka mahad celinaynaa hadhimo-sharafeedkan ay noo Sameeyeen Rugta Ganacsiga Somaliland,Dabcan Rugta Ganacsigu Waa Dallad Balaadhan oo Kulmisa Guud ahaanba Ganasatada Dalka Waanu ku faraxsanahay inaanu Maanta la kulano,Waxaananu ka mahad celinaynaa Hadhimo-sharafeedkan Balaadhan ee ay noo sameeyeen Ka Wafti ahaan Waxaananu leenahey Jasaa,ikum Kheyr”Ayuu Yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xasan oo ah Suldaankii Midnimada iyo Nabedda Beesha Bariga Sanaag.


"Waxaanu leenahay haddaanu nahey Masdaxdhaqameedka Sanaag/Barri Waad na sharafteene Allaha ha idin sharfo,Waxaan leenahay oo kale Waannu nimid dalka Waxaanu joogney Dhawr iyo Toban Maalmood,intaaba Wey Socdeen Casuumaduhu Casuumad kasta iyo Meel kasta oo aanu tagno Sidaas ayaa naloo Sharfayay aadbaannu u Xuseynaa Waxa kale oo aanu xuseynaa Waanu idin Jecelnahaye Soo dhawaadda ayaa hadalada ku badneyd,annagaaba idin jecelloo Waanu Soconeynoo idiin Nimidd”Ayuu yidhi Islaan Xuseen Xaaji Cabdi.


Gabagabadii Waxaa isaguna halkaa hadal kaftan ah oo Guud mar ah ka Jeediyay Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(Chiefka),oo kamid ah Ganacsatadii hore iyo Aqoonyahanka Beeshan oo muddo dheer Taariikh ku lahaa Ganacsiga iyo Sooyaalka Somaliland.


Munaasibadan Qaddo-Sharafeedka ah ee Rugta Ganacsiga Somaliland ku Maamuustey Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ayaa noqoneysa Tii Tobnaad ee Nooceeda ah oo Loogu Sameeyo Gudaha Somaliland tan iyo intii ay Soo gaadheen Caasimada Hargeysa,iyaddoo Sigaar ahna loogu Martiqaadey Magaalooyinka Hargeysa,Burco,Berbera,Gabiey iyo Boorame.


Hadhwanaagnews Hargeysa Office

Loading...
Loading...