Gudoomiye Xisbiga Wadani Oo Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Diyaar Garawga Soo Dhawaynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

0
Tuesday April 23, 2019 - 22:41:10 in News by
  • Visits: 2493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xisbiga Wadani Oo Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Diyaar Garawga Soo Dhawaynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

    Gudoomiye Xisbiga Waddani Oo Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Diyaar Garawga Soo Dhawaynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Xisbiga Waddani Oo Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Diyaar Garawga Soo Dhawaynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

 

Hargeysa(HWN):-Masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo taageerayaasha xisbigaasi ayaa diyaar garaw ugu jira soo dhawaynta gudoomiye Ciro.





Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka maqnaa dalka ayaa maalinta bari ah ku soo laabanaya caasimada somaliland ee Hargeysa.


Magaalada Hargeysa ayaana gelinkii dambe ilaa caawa laga dareemayaa diyaar garawga ay taageerayaasha xisbiga Waddani ugu jiraan soo dhawaynta gudoomiyahooda.





Soo laabashada gudoomiyaha waddani ayaana ku soo beegmaysa wakhti ay labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ay maanta shaaciyeen go’aano ay ka gaadheen doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka iyo shaqada guddida doorashada.





Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa la filayaa inuu ka hadlo talaabada ay qaadeen xisbiyada Ucid iyo Kulmiye iyo aragtida uu xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Waddani ka qabo talaabadaasi.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...