Hogaamiye Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Weeraray Xilkii Wasiirka Madaxtooyada Ee Ay Soo Wada Mareen

0
Tuesday April 23, 2019 - 15:31:14 in News by
  • Visits: 3064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Weeraray Xilkii Wasiirka Madaxtooyada Ee Ay Soo Wada Mareen

    Hogaamiye Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Weeraray Xilkii Wasiirka Madaxtooyada Ee Ay Soo Wada Mareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Weeraray Xilkii Wasiirka Madaxtooyada Ee Ay Soo Wada Mareen


Hargeysa(HWN):-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi haddana ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee KULMIYE ayaa isku muruxsaday fagaare lagaga doodayay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Labadan siyaasi oo isaga dambeeyay kursiga wasiirka madaxtooyada xukuumaddii Siilaanyo ayay hangoolladu iska sudhmeen markii Maxamuud Xaashi Cabdi sheegay in wada hadalladii socday 2012 ilaa 2015 ahaayeen kuwo madhalays ah waxaana arrintaasi ka jawaabay Xirsi oo ku dooday in kulamadii dhacay intii uu wasiirka madaxtooyada ahaa ahaayeen kuwo midho dhal ah laakiin, markii dambe xukuumaddu sii wadistooda la ambatay.

Image result for maxamuud xaashi iyo xirsi


Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasanoo ka hal celinaya khudbad uu Maxamuud Xaashi ka jeediyay fagaare lagaga doodayay wada hadalka Somaliland iyo Somalia in la sii wado iyo in kale ayaa yidhi "Doodda odhanaysa waxba kama soo bixin (Wada hadallada) ee Maxamuud ka dhawaajiyay ee ah madhalays bay ahaayeen oo waxba kama soo bixin iyo dee faa’iido ayay lahaayeen anigu dee si ay isu qabanayso garan maayo oo haa iyo maya wax u dhexeeya ma aqaano, ama waa in uu ku adkaysto faa’iido ayay lahaayeen oo midho dhal bay ahaayeen waxa madhalayska ahi dee waxbaba ma dhalo faa’iido iyo khasaare toona ma dhalo, marka waxaan isleeyahay taasi waa dood jaban oo dood sax ah maaha,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.


Hoggaamiyaha oo sii tixraacaya hadal kale oo uu wada hadallada ka yidhi Maxamuud Xaashi oo nuxurkiisu ahaa in wada hadallada dambe fagaare caalami ah lagu qabto lana dhexdhexaadiyo ayaa tilmaamay in wada hadalladii qabsoomay intii uu madaxtooyada joogay ahaayeen kuwo fagaareyaal caalami ah ku qabsoomay oo la dhexdhexaadinayay "Waxaan ku soo ururinaya waxbaa soo baxay faa’iido leh haba yaraatee oo aan horteedna la keenin dabadeedna la keenin laakiin, xukuumadda joogta iyo xubnihii sii waday (Wada hadalku) haddii ay ku guuldaraystaan in ay gaadhsiiyaan, wixii hore daba galaan_ waxay Soomaalidu tidhaa ‘Farsamayaqaanka farsamada xumi dubihiisu canaanta’ marka haddii aynu inagu iibin kari waynay yaynaan odhan waxba may soo bixin aynu fagaareyaasha tagno oo iibino qaddiyaddeena,”Sidaas ayuu yidhi Mr Xirsi.


Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabaya doodda Xirsi ka keenay in uu laba hadal oo iska horjeeda sheegay ayaa yidhi "Waxaan leeyahay hadalkaygu wuu caddaa haddana waan ku celinaya wada hadalladii Somaliland iyo Somalia madhalays bay ku dambeeyeen, Xirsi ha sheego midhaha Qarankani ka goostay, isaga laftiisu bal waakan leh guula la gaadhaye bal guulaha ha sheego haddaanu isugu is burinayn. Anigu waxaan idhi waxaynu ka faa’iidnay waayo aragnimo iyo in aynu laba dal u wada hadalno rabitaankii Dunidana aynu raalli gelino intaas baynu faa’iido ka helnay laakiin, midhihii aynu doonaynay kamaynaan goosan. Waxa kale oo aan saxaya Xirsi hadalkiisa, fagaareyaasha waa la inagu weheliyay ayuu yidhi, arrintaasi sidaa ma ahayn fagaare caalami ah oo la inagu dhexdhexaadiyay ma jirin waa la inoo fududaynayay oo inta shirka la inoo furo ayaa la inaga tagayay, Kii Dubay iyo kii Turkiba sidaas ayay ahaayeen, waxaynu maanta u baahan nahay madal la inala joogo oo la ina dhegaysto oo la isu keen jiidjiido oo la ina kala fujiyo dhexdhexaadin baa la yidhaa uma jeedo in la inoo gar naqo,”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.


Mar kale waxa Makarafoonka la wareegayHoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasanwaxaan Maxamuud Xaashi la qaatay in Dunidu markhaati ka ahayd wada hadallada laakiin, doorkeedu ahaa fududayn wuxuu se si kulul u diiday in wada hadalladu natiijo la’aan ahaayeen "Haddii Maxamuud (Xaashi) markii aanu dawladda ahayna aamminsana in ay toos u socoto imikana uu leeyahay wixii aanu wadnay waa khalad anigu wixii aan shalay sameeyay ee saxsana markii aan Kulmiye ahaa maanta aniga oo WADDANI ah ayaan aamminsanahay in uu saxsan yahay ma ihi dadka isbedbedela xagga mabaadiida. Mar labaadka aniga iyo Abyan uun baa weheline inta kale KULMIYE ayay ahaayeen oo aamminsanaayeen markaa jaahwareerka Kulmiye in aanu geer haysan ama wasaaradda Khaarajiga ha noqoto ama qorshe ha noqoto ee inaanu Kulmiye maanta geer haysan oo meel uu u socod ba aanu garanayn oo wada hadallada wixii ka soo baxay garanayn oo uu leeyahay wixii uu soo saaray waa madhalays oo meesha loo socdo aanu garanayn oo kaliya waxay inimada tiriyay sheegeen madaxweynuhu(Muuse Biixi) 126 jeer ayuu Farmaajo ka hadlay waar caydu waxba ma tarto in aynu caytanaa waxba tari mayso garnaqsi bay u baahan tahay diyaar garow bay u baahan tahay qorshe la wada samaystay u baahan tahay,” ayuu yidhi Mr Xirsi


Maxamuud Xaashi Cabdiayaa mar kale u holladay ka jawaabidda dhalliisha Hoggaamiye Xirsi u jeediyay Kulmiye "Waxaan aamminsanahay xaqiiqaduna ay tahay KULMIYE markii horena ma jaahwareersanayn maantana ma jaahwareersana. Kulmiye maba’diida guud ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo dariiqa loo marayo waa ka midaysan nahay madaxweynaha, xukuumaddiisa aniga iyo Prof Samatar. Aragtiyaha hoose wixii aan mabadiida ahayn waa aragtiyo shakhsi ah, Kulmiye dee sida bani’aadamka ayuu u kala aragti duwan yahay shakhsi shakhsi taas iyada waan calaamadinaya. SaaxiibkayXirsiwaxaan leeyahay shalay haddii aanu Kulmiye jaahwareersanayn ma markii aad ka baxday ayuu jaahwareer kuula muuqday oo sawirka kula yeeshay? Taasina aragti sax ah maaha,”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

Loading...
Loading...