Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dib Uhabayn Lagu Samaynayo Dhaqaalaha Somaliya

0
Sunday April 21, 2019 - 12:19:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dib Uhabayn Lagu Samaynayo Dhaqaalaha Somaliya

    Raysal wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inay ka soo baxeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inay ka soo baxeen
isaga iyo madaxwayne Farmaajo balamihii ay u qaadeen shacabka Somaliya, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Universal TV.


Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyay inay mucaaradka aan hubaysnayn ee ka soo horjeeda dawlada u isticmaalin awood



"Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Somaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay, waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Khayre.


Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu difaacay Xukuumadiisa, haddana waxaa xusid mudan in mucaaradka aan hubaysnayn dowladda awood u adeegsatay, sidoo kalena caburin badan lagu sameeyay Warbaahinta oo xogaha ay ka helaan Xafiisyada Madaxda ay tahay mid kooban.

Loading...
Loading...