Xukun Adag oo Lagu Riday Hoggaamiyaha Mucaaridka Congo

0
Sunday April 21, 2019 - 07:25:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun Adag oo Lagu Riday Hoggaamiyaha Mucaaridka Congo

    Congo(HWN)- Maxkamadda sare ee Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Congo(HWN)- Maxkamadda sare ee Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo
ayaa xukun ku riday hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi , iyada oo maxkamadu ku xukuntay mastaafuris.



Mr Moyse Katumbi ayaa loo haystaa rabshado ka dhacay dalkaasi, iyada oo looyarada u doodayaa Mr Katumbi ay sheegeen in dawladda dalkaasi Congo ay doonayso in ay dalka ka mastaafuriso.


Maxkamadda sare ee Waddanka Congo oo ay dacwadiisu ka socotay muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa soo bandhigtay dacwadaha loo haysto oo ay kamid yihiin khalkhal gelin nabadgelyo iyo lunsi lacag uu lunsaday xiligii uu ahaa Badhasaabka gobolka Macdanta hodanka ku ah ee Katanga.


Ninkan ayaa isaga oo maqan lagu xukumay saddex sanno oo xabsi ah sannadkii 2016-kii, isaga oo dalkaasi ku soo laabtay kadib markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo Joosef Kabiila sannad ka hor.


Mr Katumbi ayaa ah nin ganacsade ah, waxaanu doorashadii dhoweyd cidhiidhi badan geliyey madaxweynaha hadda ee dalka Koongo Falegis Tishisekedi oo uu la tartamaayey, iyada oo doorashadaasi la sheegay in lagaga adkaaday.

Loading...
Loading...