Baadhitaano Lagu Bilaabay Madaxweynihii Hore Ee Suudaan, Xadiga Lacag Laga Helay Gurigiisa Iyo Halka Uu Ku Sugan Yahay

0
Saturday April 20, 2019 - 23:54:54 in News by
  • Visits: 2900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadhitaano Lagu Bilaabay Madaxweynihii Hore Ee Suudaan, Xadiga Lacag Laga Helay Gurigiisa Iyo Halka Uu Ku Sugan Yahay

    Xadiga Lacag laga Helay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Al-Bashiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadiga Lacag laga Helay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Al-Bashiir


Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa waxa uu bilaabay baadhitaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaas oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-daro ah lacago iskugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan al-Bashiir


Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay golaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar.


Lacagtaas ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan.

Mr al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi la dhigay sagaal maalmood ka dib markii xukunka lagaga tuuray mudaharaado mudo ka socday dalka Suudaan.


Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.


Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xidhay madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.


Wasiirka Gaashaandhiga ee Suudaan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa'id oo si weyn loo sugayay goor dhow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.


Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.


Dhanka kale Cawad wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xidhan arrimaha siyaasadda.


Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...