Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Shaacisay Iibka Hantida Warshad Caan Ka Ahayd Somaliland Oo Kacday

0
Saturday April 20, 2019 - 16:13:55 in News by
  • Visits: 5927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Shaacisay Iibka Hantida Warshad Caan Ka Ahayd Somaliland Oo Kacday

    Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Shaacisay Iibka Hantida Warshad Caan Ka Ahayd Somaliland Oo Kacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Shaacisay Iibka Hantida Warshad Caan Ka Ahayd Somaliland Oo Kacday


Hargeysa(HWN):-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa shaacisay in gabi ahaanba la xaraashayo qalabka iyo hantidii kale ee ay lahayd shirkadii Abyan ee soo saari jirtay biyaha, macmacaanka iyo sharaabka kala duwan.


Gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo tagay goobta ay ku taalay warshadani ayaa sheegay in hantida goobtaas taala ay tahay iib waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Halkani waa warshadii Abyan anaga oo soo eegnay dhul ahaan, warshaduna waxay ka kooban tahay oo maxkamadu iibkooda ku dhawaaqaysaa ceelashii oo ah kuwa Riiga qodo oo aan biyahoodu istaagayn, dhulka warshadu waxa uu ka kooban yahay 750m oo dherer ah iyo 250m oo balac ah kuwaas oo dhisan qalabkiina yaalo, waxa kale oo yaala gaadiid kala duwan oo ay ka mid yihiin dhaynayaal, booyado iyo dab demiskii.”



Gudoomiye Dalmar oo sharaxaya hantida kale ee taala xaruntii warshada abyan ee duleebka bari ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi "Waxa kale oo yaala mishiinadii sifaynayey biyaha, kuwii samaynayey macmacaanka iyo sharaabka, mishiinadii laydhka oo afar ah oo shaqaynaya, dhamaan hantidaas iskugu jirta dhulka,dhismaha, deyrka, ceelasha iyo wixii kale ee hanti ah ee yaala waa iib, waxaanay maxkamadu ku dhawaaqaysaa inay yihiin naado iib, inta somaliland gudaheeda ku nool., inta soomaaliga ku hadasho iyo reer bani aadam oo dhan ayey iib u tahay.”


Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex waxa uu shaaciyey habka loo marayo iibka hantida warshadii Abyan waxaanu yidhi "Waxa warshadan lagu iibinayaa nidaamka iibka ee shirkaduhu marka ay kacaan, waxaana lagu iibinayaa maxkamada gobolka maroodijeex gudaheeda, codsiyadana waxa loo keenayaa xafiiska gudoomiyaha maxkamada gobolka, kaaliyaha sare ayaana lagu soo hagaajinayaa, waxaanu iibkaasi ka bilaabmayaa maanta waxaanay ku eeg tahay 19/05/2019, cid kasta oo danaynaysana iibkaasi wuu u banaan yahay, waxaana loo iibinayaa dadkii lahaa si hantidii loogu celiyo maadaama oo ay sharciga u soo dacwoodeen.”



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...