Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Kordhin Ka Doonaya Golaha Shacabka Iyo Yuusuf Garaad Oo Xog Cusub Shaaciyey.

0
Saturday April 20, 2019 - 16:04:54 in News by
  • Visits: 3495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Kordhin Ka Doonaya Golaha Shacabka Iyo Yuusuf Garaad Oo Xog Cusub Shaaciyey.

    Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Kordhin Ka Doonaya Golaha Shacabka Iyo Yuusuf Garaad Oo Xog Cusub Shaaciyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Kordhin Ka Doonaya Golaha Shacabka Iyo Yuusuf Garaad Oo Xog Cusub Shaaciyey.


Muqdisho(HWN):-Dawlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa dedaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd mudo kordhin ay u saameeyaan xildhibaanada golaha shacabku.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kulamo kala duwan la qaatay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, kuwaas oo uu kala hadlay inay u sameeyaan mudo kordhin maadaama oo haatan wakhtigii la doortay ka dhaw yahay.



Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay damaca galay madaxweyne Farmaajo iyo dawlada uu hogaaminayo ee la xidhiidha in mudo kordhin loo sameeyo.


Yuufu Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaan marna la aqbali Karin in dawlada Farmaajo loo sameeyo mudo kordhin, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto.


Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida.

Loading...
Loading...