Ujeedada Kulan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya La Yeeshay Dhigiisa Dalka Masar.
Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaadhan, waxaa saxeexa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.
Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya kadib markii dhammaadkii bishii hore wefti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland marti qaad ka helay Masar, islamarkaana kulamo la qaatay madax sarsare oo wasaaradda arrimaha dibadda ah iyo gaashaandhigga.
Xidhiidhka u bilawday Somaliland iyo Masar ayay saxaafadda Masar qaarkeed ku tilmaantay mid siyaasi ah oo ku lug leh isbedellada ka socda Geeska gaar ahaana xurgufta Masar iyo Itoobiya.