Warbixinta Robert Muller Maxay Ka Badbaadisay Madaxweyne Donald Trump?

0
Friday April 19, 2019 - 17:05:22 in News by
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixinta Robert Muller Maxay Ka Badbaadisay Madaxweyne Donald Trump?

    Warbixinta Robert Muller Maxay Ka Badbaadisay Madaxweyne Donald Trump?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta Robert Muller Maxay Ka Badbaadisay Madaxweyne Donald Trump?


Warbixintii laga diyaariyay baaritaannada lagu sameynayay inuu xiriir ka dhaxeeyay kooxdii ol'olaha Trump iyo Ruushka ayaa lagu soo bandhigay xogo faro badan oo shaki galinaya inuu madaxweynaha u hoggaansamay sharciga.

.


Robert Mueller oo ah garyaqaanka loo xilsaaray inuu baaritaannada sameeyo ayaa soo uruuriyay macluumaad la isugu geeyay warbixin ka kooban 448 bog, taasoo waxyaabo badan badan ay kasoo ifbaxeen.


Qormadiisa kuma uusan xaqiijinin in kooxdii ol'olaha doorashada ee Mr Trump ay wadashaqeyn la sameeyeen Ruushka, hase ahaatee, wuxuu kusoo bandhigay dhacdooyin kala duwan oo su'aalo galin kara daacadnimada madaxweynaha ee dhinaca sharciga.


Xogaha ugu waaweyn ee lagu muujiyay warbixintan waxaa ka mid ah in Mr Trump uu isku dayay inuu shaqada ka eryo Robert Mueller, markii loo xushay inuu baaritaanka sameeyo.


Macluumaadkan ayaa caddeeyay in bishii Juunyo ee sannadkii 2017-kii uu madaxweyne Trump wacay Don McGahn, oo ah qareen horay uga shaqeyn jiray Aqalka Cad, uuna ka dalbaday in la isku dayo sidii shaqada looga eryi lahaa Mr Mueller, isagoo sabab uga dhigay arrin uusan faahfaahinin oo ku saabsaneyd in "dano iskhilaafaya" ay ugu jiraan shaqada.


10 arrimood oo kale oo muujinaya in Trump uusan sidii loo baahnaa u raacin sharciga ayaa lagu soo bandhigay warbixintaas oo muddo dheer la sugayay soo bixisteeda.


Hase ahaatee "inta badan isku dayadii uu Trump ku damcay inuu sharciga ka tallaabsado ayaa ahaa kuwo aan suurtogalin, ama guul darreystay".


Waxaa la sheegay "in mas'uuliyiinta isaga ku hareereysan ay iska dhaga tireen amarro badan oo kasoo baxay madaxweynaha, kuwaasoo abuuri karay saameyn aad u ballaaran".


Haddii si kale loo dhigo, waxay u muuqataa in kooxda la shaqeysa madaxweynaha "oo marar badan aan qaadanin amarka kasoo baxay madaxweynaha ay ka badbaadiyeen halis weyn".


Taas baddalkeeda, haddii ay codsiyada madaxweynaha fulin lahaayeen, ayna qorsheyn lahaayeen in shaqada laga eryo Mr Mueller, waxaa sii caddaan lahayd in Mr Trump uu ka tallaabsaday sharciga.


Aqalka Koongareeska, oo ay aqlabiyad ku leeyihiin xisbiga dimuqraaddiga ayaa hadda isha ku haya warbixintaas, iyagoo doonaya inay wax badan kasii ogaadaan.


Mr Mueller ayaa sidoo kale la filayaa inuu su'aalo adag kala kulmo guddiga Koongareeska ee uu hor tagi doono.


Waxay arrintani timid xilli xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, oo ah garyaqaanka ugu sarreeya waddanka, William Barr uu wajahayo dhaleeceyn ku saabsan sida uu u qaabilay sii deynta warbixintaas xasaasiga ah.


Xeer ilaaliyaha guud, oo ah nin uu soo magacaabay Mr Trump ayaa dhawaan qabtay shir jaraa'id, ka hor inta aan war bixinta lasoo bandhigin, wuxuuna u muuqday inuu difaacayo madaxweynaha.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...