Masas Madaxweyne Ku Kallifay Inuu Xafiiskiisa Ka Cararo

0
Friday April 19, 2019 - 17:01:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3447
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masas Madaxweyne Ku Kallifay Inuu Xafiiskiisa Ka Cararo

    Masas laga helay xafiiska madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ku qasbay inuu madaxweynaha howl maalmeedkiisa shaqo uu gurigiisa uu ku qabsado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masas laga helay xafiiska madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ku qasbay inuu madaxweynaha howl maalmeedkiisa shaqo uu gurigiisa uu ku qabsado.

Xoghayaha saxaafadda ee madaxweynaha Smith Toby oo Arbacadi BBC u warramay ayaa sheegay in laba mas oo madmadow lagu arkay dhismaha xafiiska u ahaa madaxweynaha gaar ahaanna meel ku aaddan xafiiska uu madaxweynaha fadhiisto.


Waxaana shaqaalaha xafiiska madaxweynaha lagu wargeliyey ilaa iyo 22-ka bisha April iney xafiiska ka fogaadaan.

"Waxaana la xaqiijinayaa iney masas kale ku jiraan dhismaha xafiiska iyo gaadiidka xafiiska dhex yaallo" ayuu yiri Mr Toby.

"Dhismaha Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Liberia ayuu madaxweyne Weah uu ku dhex leeyahay xafiis uu ku shaqeeyo, iyada oo shaqaalihii la shaqeeynayay madaxweynaha loo sheegay ineysan xafiiska u soo shaqo tagin ilaa amar dambe."



Wargeysyada Africa ugu afka dheer boggooda hore waxay ku soo daabaceen sawirro muujinaya shaqaalaha xafiiska madaxweynaha oo dadaal ugu jiro sidii ay masaskaasi u dili lahaayeen.

"Hase yeeshee masaska in la dilo laguma guuleysan, waxay galeen god ay ku lahaayeen dhismaha dhexdiisa" ayuu yiri Mr Toby.


Booliska iyo ciidamada ilaalada gaarka ee madaxweynaha ayaa la arkayey iyaga oo gaar ka haya guriga madaxweynaha uu ka deggan yahay magaalada Monrovia.


Waxaana afaafka hore ee guriga hor tuban gaadiid tira badan oo ah kuwa ay adeegsadaan madaxweynaha ilaaladiisa.

Wasaradda arrimaha dibaddana waxay Jimcaha maanta billaawday iney dhismaha buufiso si ay masaska uga soo baxaan godka ay ku jiraan" ayuu yiri mr Toby.

Wuxuuna Mr Toby intaa raaciyey "in la filayo Madaxweynaha inuu xafiiskisa uu ku noqdo maalinta Isniinta ah."


BBC

Loading...
Loading...