Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Hargaysa iyo Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Xadhiga Ka Jaray

0
Friday April 19, 2019 - 15:14:46 in News by
  • Visits: 11675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Hargaysa iyo Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Xadhiga Ka Jaray

    Masaajidkii Ugu Quruxda Badnaa Oo La Hirgaliyay Magaaladda Hargaysa Iyo Wasiirka Diinta Iyo Aw Qaafta Oo Xadhiga Ka Jaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masaajidkii Ugu Quruxda Badnaa Oo La Hirgaliyay Magaaladda Hargaysa Iyo Wasiirka Diinta Iyo Aw Qaafta Oo Xadhiga Ka Jaray.





Hargaysa(HWN)Magaaladda hargaysa siiba xaafadda jigjiga yar waxa lag hirgaliyay masaajid qurux badan oo dhararkiisu dhan yahay laba dabaq oo loo qaabeeyay si qurux badan oo ay ka muuqato farshaxanimo noocii ugu dambeeyay ee lagu dhiso masaajidada dunida.



 

Munaasibadan balaadhan oo loo sameeyay xadhig ka jarista masaajidkaoo ay ku baxday lacag kor u dhaafaysa saddex boqol iyo kontan kun oo dollar ayaa waxa ka soo qayb galay badiba culimadda waawayn ee somaliland,salaadiin cuqaal,wasiiradda wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo wasiirka diinta Iyo Aw qaafta kuwaas oo xadhiga ka jaray masaajidkan.


Masaajidkan laga dhigay labadda dabaq ayaa markii hore waxa uu ahana jiray masaajid yar oo marka uu yimaado roobku keeni jiray daroorin qoyn jirtay dadka ku tukunaya masaajidka iyo waliba gogosha dhextaalba,waxaana kulan ay iskugu yimadeen bulshadda degan xaafadda jigjiga yar ka dhashay tallo muujinaysa in ay sameyeen qorshihii ugu fiicnaa,waxaana lacagtii ku baxaysay maasaajidka ay u qayb-sadeen shaqsi shaqsi taas oo suurto galisay in maanta la dhiso masaajidkan.


Sheekh Axmed Cabdi Salaan(Axmed iid) oo ahaa iimaan masaajidka ayaa isaguna qayb laxaadleh ka qaatay sidii ay u soorobi lahayd dhismahan quruxda badan kaasi oo uu ku kormeeray shirkadda dhisaysay masaajidka markastana la dul taagnaa talooyin dhaxal gal ah waxaana uu ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismahan masaajidku waxaana uu yidhi.


"masaajidkan aynu maanta xadhiga ka jaraynaa waxa uu soo maray isaga oo jiingad ah oo daroorinaya marxaladaas adag ayuu soo maray masaajidku,arintan waxa u guntaday odayaasha deegaanka oo aniga oo xajka ku maqan ayay arintan go’aan ku gadheen in ay dhisaan masaajidka ana waan ku waafaqay,salaadii jimce ee ugu horaysay ayaan masaajidka khudbadii kaga hadlay ilaahay fadligii aduunka lagu dhisay boqolkiiba konton maalintaas ayaa la uruuriyay arinta ugu cajiibsani waxa ay ahayd in qalabka masaajidka galaya gabigiisaba intaan lacagba la gaadhin la qaybsaday.


Intaas waxa uu ku daray sheikh axmed iid isaga oo hadalkiisa siiwata.”sibidhka gabi ahaan lagu dhisay masaajidka waxa qaatay Cawil Cali oo ingiriiska ku maqan iyo mustafe Aw Aadan ayaa gacanta taagay oo qaybsaday,hadana marmarkii masaajidka dul iyo hoosba galayay waxa qaatay Eng Xuseen anaguna waan ugu ducaynay,hadana waxa layidhi jaajuurka masaajidka galaya oo dhan yaa qaatay Cabdilaahi xaaji Magaciisa ilaahay ha raajiyee isaga ayaa qaatay oo gacanta taagay,waxa haddana layeedhay albaabadda masaajidka galay waxa gacanta taagay ilaahay magaciisa ha raajiyee Eng Rashiid oo odayaasha xaafadda ka tirsan ayaa qaatay dhamaan albaabadda masaajidka oo dhan ilaahayna wuu ku asturay,haddana waxa hadhay daaqadihii masaajidka oo dhan Xaaji Cawil Carwo oo gabi ahaanba ilaahay ku asturay daaqadaha oo dhan inuu isna bixiyo,haddana gogosha masaajidka la dhigay oo iyaduna aad qaali u ahayd waxa bixiyay mahad ibraahin maxamed oo isna hooyadii oo dhimatay Waqfi ahaan ugu bixiyay


Sheekh Axmed iid ayaa waxa uu ka hadlay lacagta ku baxday masaajidka Daarul Iimaan Ee Shirkadii Dhismaha Qaadatay Ay ku qandaraastay waxaana uu yidhi.”waxa shirkadda dhistay qandaraaskii ku qaadatay laba boqol iyo toddoba iyo sagaashan kun iyo toddoba boqol iyo toddoba iyo labaatan kun oo dollar ayay ku qaadatay in ay ku dhisayso dhismaha masaajidka daarul iimaan,haddaba kolay dhisme waliba marka uu bilaabmo wax way ku kordhnaa oo siyaado way timadaa oo gogol haday noqoto iyo miisaanba waxaba marka laysku geeyo caawa waxa uu ku furmay masaajidkani saddex boqol iyo laba iyo kontan kun iyo afar boqol iyo shan iyo lixdan kun oo dollar,waxaanan u mahad naqayaa cid kasta oo wax ku darsatay masaajidkan.


Dhinaca Sheekh Barbaraawi,Sheekh Makaawi Iyo Culimo kale oo waawayn ayaa bulshadda xaafadda ku guubaabiyay in ay meel uga soo wadda jeestaan sidii ay u ilaalin lahaayeen edaabta masaajidka una adkayn lahayeen quruxda dhismaha masaajidka.


Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka maxamed xaaji aadan ayaa isaguna dhankiisa cadeeyay in bulshadda xaafadda ku dhaqan ay yihiin bulsho wanaagsan oo u taagan in ay markasta iyaga oo wadda jira ay dhistaan goobaha cibaadada.


Gaba-gabadii wasiirka wasaarada diinta iyo Aw Qaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isaguna xadhig ka jaray masaajidka waxaana uu tilmaamay in goob la dhiso ay ugu khayr badan tahay guriga ilaahay waxaana uu bulshadda ku dhiiri galiyay in ay meel uga soo wada jeestaa ilaalinta iyo waliba daryeelida masaajidada.


Sheekh Axmed Iid,wasiiradda diinta iyo aw qaafta iyo xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka ayaa si wadda jir ah u kormeeray maktabad ay yalaan kutubtii ugu badnayd oo ah maktabadda ugu wayn somaliland taasi oo iyadana laga hirgaliyay masaajidka daarul iimaan si loo kobciyo diinta.

 


 
 
Loading...
Loading...