Siyaasi Faarax Macalin Oo Soo Bandhigay Wadamo Diidan In Shiidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya

0
Friday April 19, 2019 - 06:00:03 in News by
  • Visits: 3537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Faarax Macalin Oo Soo Bandhigay Wadamo Diidan In Shiidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya

    Faarax Macalin Oo Si Toos Ah U Soo Bandhigay Wadamada Ka Soo Horjeeda Shiidaalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faarax Macalin Oo Si Toos Ah U Soo Bandhigay Wadamada Ka Soo Horjeeda Shiidaalka Soomaaliya


Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in howshii baarista iyo soo saarista shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ay hakatay, kadib markii dalal shisheeye ay cadaadis saareen madaxda dowladda Soomaaliya.


Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay.




Wuxuu sheegay in la baajiyey shirarkii daba socday bandhigii shirkii London ee Febraayo 2019 oo kal ahaa shir farsamo oo ka dhici lahaa magaalada Addis ababa, shirkii labaad ee Turkiga iyo weliba shir kale oo ka dhici lahaa dalka Mareykanka, taasoo caddeyn ah in jilbaha loo dhigay howshii.


Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block.


Faarax Macalin oo taageere weyn u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalalka Carabta sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ku eedeeyay inaysan ogoleyn soo saarka shidaalka Soomaaliya, ayna ka mideysan yihiin arrintaasi.


Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inuu shaqadii ka eryay aqoonyahanadii ugu waaweyna ee mashruucan waday, kuwaasoo afar xubnood ahaa, iyadoo saddex ka mida shaqadii laga joojiyey, laguna bedelay dad kale, taasoo dhabarjab ku ah howshii ay wadeen oo Soomaaliya ka dhigi lahayd dal qani ah.


Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay aheyd inay ka dhega fureysato dalalka diidan, isla markaana ay sii wadaan arrimaha shidaalka soo saarista Soomaaliya.


Faarax Macalin ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Dalka ku sheegay in madaxda Soomaalida aysan lahayn adkeysi iyo ka go’naasho ay talada danaha qarankooda ku qaataan, una nugul yihiin cadaadiska dalalka dibadda.

Loading...
Loading...