Gobolkii Afaraad Oo Wasaarada Diintu Ka Bilawday Diwaan Gelinta Madarasadaha Iyo Xafiisyo Ay Ka Furatay

0
Thursday April 18, 2019 - 21:48:41 in News by
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolkii Afaraad Oo Wasaarada Diintu Ka Bilawday Diwaan Gelinta Madarasadaha Iyo Xafiisyo Ay Ka Furatay

    Diwaan Gelintii Madarasadaha Oo Wali Socota

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diwaan Gelintii Madarasadaha Oo Wali Socota


Boorama( HWN):- Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka daah-furay diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah oo laga soo dhammaystiray gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Saaxil.

Image may contain: one or more people, people sitting and people standing

Image may contain: 2 people
Image may contain: 1 person, standing and beard

Munaasibad loo qabtay daahfurka diiwaangelinta Maddarasadaha oo maanta lagu qabtay Huteelka Haldoor ee magaalada Boorama, waxaa ka qaybgalay culimada waawayn ee gobolka, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddarasadaha oo iyagu safaf u galay diiwaangelinta maddarasadaha ee isla khamiistii maantaba ka bilaabantay Boorama.


Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Aadan oo ka hadlay munaasibadda, ayaa ka warramay faa’iidada diiwaangelinta, waxaanu yidhi; "Sharaf bay noo tahay wasaarad ahaan inaannu ka soo qaybgalno kulan qiimaha iyo sharafta leh ee aynu ku daah-furayno diiwaangelinta maddarasadaha diiniga ah ee gobolka awdal. Barnaamijkan diiwaangelinta Maddarasaduhu waa midd muhiim ah oo lagu tirokoobayo, macallimiintooda iyo ardaydaba.”

Image may contain: 1 person
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: 2 people
Image may contain: 18 people, people sitting, beard and indoor

"Wasaaraddu waxay waddaa oo qorshe ah Manhaj mideeya Maddaarista Diiniga ah. Waxaannu qabnaa wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba, in faa’iido wayni ku jirto, in la mideeyo higgaadda, in la mideeyo waxa ardaygu u baahan yahay, in la mideeyo macallimiinta iyo in tabobbarro loo sameeyo macallimiinta maddaarista.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.


Isu-duwaha wasaaradda diinta ee gobolka Awdal Sheekh Xaamud Ladiif Axmed, ayaa sheegay in marka horeba xidhiidh fiicani ka dhexeeyey Maddaarista gobolka iyo Xafiiska wasaaradda ee Awdal, immikana diiwaangelintan rasmiga ahi xoojin doonto wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta maddarasadaha iyo wasaaradda.

Image may contain: 2 people, including Mustafe Cabdi Cali, indoor
Image may contain: 2 people
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people

Muuse Gaas oo ah agaasimaha qorshaynta wasaaradda Diinta, ayaa isna halkaas ka hadlay, ayaa isna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay diiwaangelinta maddarasadadu si habsami ah uga soo qabsoontay saddexda gobolka ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, Awdalna yahay gobolkii afraad oo ay rejaynayaan inay si wanaagsan uga qabsoonto.


Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Axmed CabdiRaxmaan Xassan (ilka-case), ayaa soo dhaweeyey diiwaangelintan oo uu sheegay inay qayb wayn ka qaadan doonto isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta maddaarista, waxaanu yidhi; "Waxaan idinka rejaynayaa mar walba inaad nala soo socodsiisaan wixii aad isleedihiin dhib bay idinku keenayaan, hadday Dad tahay, hadday Kutub iyo Buugaag wax laga baranayo tahay, waayo, waxbarashada diiniga ah waynu wada ilaashanaynaa, masuuliyad baa innaga wada saraan.”

Image may contain: 1 person
Image may contain: 4 people
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Qaar ka mid ah Maamulayaasha iyo Madaxda Maddarasadaha Boorama oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tirokoobka ay wasaaraddu samaynayso, Manhajka hawshiisu socoto iyo inay wasaaraddu la ogaato maddarasadaha iyo macallimiinta dhiga iyo weliba ardayda wax ka barata, waxaanay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wadashaqayntii horeba ay ula lahaayeen wasaaradda Diinta.

Image may contain: 3 people, including Mohamed Yusuf
Image may contain: 9 people, indoor
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: one or more people and indoor

Geesta kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu waxa uu xadhigga ka jaray Xafiiska isu-duwidda hawlaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee gobolka Awdal oo wasaaraddu ka hirgelisay magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas oo aanay hore xafiis rasmi ah ugu lahayn, si hawsha heer gobol ee dacwadda Diintu si habsami ah halkaa uga socoto.


Culimada gobolka Awdal waxay shahaado-sharaf guddoonsiiyeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, iyaga oo sheegay inay ku maamuuseen dedaalka uu ugu jiro arrimaha Diinta ee dalka oo dhan. Agaasimaha, ayaa geestiisa ka mahad-celiyey sida ay u maamuuseen culimadu.

Loading...
Loading...