Muuse Faarax Jaambiir Oo Soo Bandhigay Xil Uu Wasiir Guribarwaaqo U Magacaabay Oo Uu Ka Cudurdaartay

0
Monday March 04, 2019 - 19:35:35 in News by Super Admin
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Faarax Jaambiir Oo Soo Bandhigay Xil Uu Wasiir Guribarwaaqo U Magacaabay Oo Uu Ka Cudurdaartay

    Hargeysa(HWN):-Maareeyihii xilka laga qaaday ee telefishanka qaranka somaliland Muuse Faarax Jaambiir ayaa ka hadlay xil uu wasiirka warfaafintu u magacaabay oo uu ka cudurdaartay inuu qabto iyo sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Maareeyihii xilka laga qaaday ee telefishanka qaranka somaliland Muuse Faarax Jaambiir ayaa ka hadlay xil uu wasiirka warfaafintu u magacaabay oo uu ka cudurdaartay inuu qabto iyo sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyey.

Maareeyihii hore ee telefishanka qaranka Muuse Faarax Jaambiir waxa oo uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo waxyaabaha ay salka ku hayso xil ka qaadista lagu sameeyey.

Maareeye Jaambiir oo ka hadlaya xil ka qaadistiisa ayaa waxa uu yidhi "Xilka wargeyska Dawan ee uu wasiirku aniga iyo laba nin oo kale ku magacaabay tifaftirka iyo arimahaas, markaa waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo, warqada kale eexil ka qaadistana Internet-ka ayuunbaan ku arkay idaacadana waan ka maqlay, xafiiskana layguma keenin oo layma siin, xilkuna waa meerto oo in layska qaadaa mushkilad maaha.”ayuu yidhi maareeye Jaambiir oo la hadlay horyaaltv.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in xil ka qaadistiisa ay keentay cilada ku timid telefishanka qaranka qaybtiisa laga daawado gudaha oo in mudo fadhiday waxaanu yidhi "Looma sababayn karo, wixii ay salka ku hayso iyo wixii ay tahayna hadal walba hoos ayuu leeyahay gadaal ayuun baynu ka ogaan doonaa.”


Loading...
Loading...