Afhayeenka Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xilka Loo Magacaabay Weriyaha Rug Cadaaga Ah Ee Maxamed Xasan Cali(Waji)?

0
Sunday March 03, 2019 - 19:32:42 in News by Super Admin
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xilka Loo Magacaabay Weriyaha Rug Cadaaga Ah Ee Maxamed Xasan Cali(Waji)?

    Hargeysa(HWN):-Af-hayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay wariyaha rug cadaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Waji.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Af-hayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay wariyaha rug cadaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Waji.

Afhayeenka Waddani oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo xilka maareeyaha telefishanka qaranka ee loo magacaabay weriye Waji ayaa waxa uu ku yidhi”-

Maxamedow' Waxaad tahay Falaawirada Qurxinaya Geedka Qarannimaddeena, Waxaad kamid tahay Hormuudka Umadda la hagraday ee Sinnaanta iyo Caddaaladda raadinaysay muddo Soddon Sanno ah oo Qaranimadda Somaliland Sanka la gashay, Waxaan Ogahay inaad samirtay, Waxaan qirsanahay Aqoontaada, Aftahannimadaada, Aragtidaada. Laakin wax badan aad ku wayday Ardaaga aad ka soo jeedo ee Alle kaa Umay. Halgankeena iyo Hiigsigeenu waa Qarannimada qof kasta oo Qabiilkaynu ka soo jeedno inagu qoonsada wuxu igana yahay Cafis. horrey ayaad u tidhi: "Aniga oo Maxamed ah oo intaa leeg, oo intaa shaqaynayey oo da'daas ah oo maanta wali kallahaya in aanan wali madax qaybeed gaadhin, maxaa la igu reebay? Ma aqoon baa? Kuwa aan wax u dhigay ayaa madaxweyne u tartamaya. Saxaafaddana waa la i yaqaana oo maan gam'een haddii aan aqoon ku hadho, hadda se waan gam'a oo waxa la iigaga dheereeyey waa nidaamka xun ee qabyaaladdaa waa hayb sooca."

Waxaan ku leeyahay Anigu Alle swc ha kugu Asturo Xilkaad qaaday Ee Maareeyaha Tv Qaranka. Halgankeena aynu ku baadi goobayno Caddaaladda iyo Sinnaanta Somaliland Mucaarad iyo Muxaafadba waynu u noqoneynaa Ballankeenu Waa Qurxinta Qaranka iyo ka dagaalanka Qabiilka iyo Qabyaaladda. Saldhiga Siyaasadda Xisbiga Waddani ayaa ah in Somaliland Sinnaato oo Samaato Mudnaan gaar ahna la siiyo Bulshada Xaqooda iyo Xuquuqdooda la duudsiyey.




Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland


Loading...
Loading...