Siyaasi Duur Muxuu Kaga Jawaabay In Laga Caydhinayo Xisbiga Waddani?
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay war ka soo baxay xisbigaas oo sheegaya in laga caydhinayo.
Siyaasi Duur oo qoraal jawaab ah ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalka ka soo baxay xisbiga Waddani, isaga oo xusay inaanu xisbigaas ka bixin balse uu taageersan yahay horumar uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi dalka gaadhsiiyey.
Siyaasi Duur ayaa qoraalka jawaabta ah ku yidh:-
Waan ka xumahay hadalka Ali Canter. Anigu Xisbiga WADDANI kamaan bixin laakiin waxaan taageeraa horumarka balaadhan ee Madaxwayne Muse Biixi uu sameeyay mudadaas kooban ee uu xilka hayay.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...