Wadamada Itoobiya Iyo Eritrea Oo Kulan Uu Goobjoog Ka Yahay Kenyatta Ku Saxeexaya Heshiiskii Ugu Dambeeyey Ee Iskaashigooda.

0
Sunday March 03, 2019 - 19:11:53 in News by Super Admin
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Itoobiya Iyo Eritrea Oo Kulan Uu Goobjoog Ka Yahay Kenyatta Ku Saxeexaya Heshiiskii Ugu Dambeeyey Ee Iskaashigooda.

    Addis Ababa(HWN):-Hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya iyo Kenya ayaa gaadhay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa(HWN):-Hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya iyo Kenya ayaa gaadhay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias afewerki ayaa labadan hogaamiye soo dhawayn diiran ugu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara.

Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Gebremeskel ayaa sheegay in sadexda hogaamiye ay ka wada hadli doonaan qodobo la xidhiidha xaalada gobolka halka ay yeelan doonaan kulamo sadex geesood ah oo ay kaga wada hadli doonaan qodobo gaar ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Asmara ee wadanka Eritrea Redwan Hussein ayaa warbaahinta u sheegay in labada hogaamiye ay wada gaadhi doonaan heshiiskii ugu dambeeyey ee xidhiidhka dhaqaalaha, ganacsiga iyo wadooyinka isku xidhaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay falanqayn doonaan habka loo mari doono ganacsiga xuduuda dalka, isticmaalka dekeda, isku socodka labada shacab iyo xidhiidhka ganacsiga, isaga oo xusay in labada hogaamiye ay si kama dambays ah u saxeexi doonaan heshiiska labada dal.


Loading...
Loading...