Xidhiidhka Axmed Cisman Geele, Qoyska Kowaad Ee Djibouti Iyo Baanka BCIMR

0
Wednesday April 03, 2019 - 19:13:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Axmed Cisman Geele, Qoyska Kowaad Ee Djibouti Iyo Baanka BCIMR

    Hargaysa(HWN):-Ganacsadde Axmed Cismaan Geelle waxa xidhiidh shaqo iyo mid Macmiil uu la lahaa Baanka BCIMR muddo 15 Sanno ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Ganacsadde Axmed Cismaan Geelle waxa xidhiidh shaqo iyo mid Macmiil uu la lahaa Baanka BCIMR muddo 15 Sanno ah.

Ganacsadde Axmed Cismaan Geelle waxa kale, oo uu Macmiil u ahaa ilaa Lix Baan oo fadhigooddu yahay dalka Djibouti, iyaddoo Baannankaas qaar ka mida uu gacanta ku hayo Madaxwaynaha mudada dheer hoggaaminnaayay dalka Djibouti.



Baanka BCIMR waxa saami-wayn ku leh Dawladda Djibouti (33%), waxaanna si gaara u maamula Qoyska Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iyagoo u yeedhiya Madaxda Baankaas hadba talaabadda maamul ee uu qaaddaayo .


Haddaba, iyaddoo ay jirto in Ganacsadde Axmed Cismaan Geele uu ilaa Lix Baan oo kale ay wada shaqayni ka dhaxaysay, waxa fajac iyo yaab leh sababta uu Baanka BCIMR uu u daba dhigtay Ganacsadde Axmed Cismaan Geele, isla markaanna Baanankii kale u hadli waayeen.! Sababtaas meel kale haka doonin waxay salka ku haysaa Qoyska Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo dabadda ka riixaaya Baanka BCIMR, iyaddoo la ogyahay in Hanti Mallaayiin Doollar ahi u rahmantay oo dalka Djibouti lagu haysto.


Hase-yeeshee taasi umma muuqato’e waxa u soo hilaacaaya uun Warshaddaha ku yaalla Somaliland, markaad eegto daynta iyo Hantida rahman ee dalka Djibouti lagu haysto Ganacsadde Axmed Cismaan Geele ayaa Baaqi ku yeelannaaya Baanka BCIMR.


Dhinaca kale, Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID oo maanta qaybaha kala duwan ee Warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaadday in Baanka Faransiiska ah ee dalka Djibouti ku yaalla ee BCIMR uu Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geele ku leeyahay 33%, waxaanna halkaas ka cad saamaynta uu ku dhex yeellan karo Ismaaciil Cumar Geele.


Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi waxa uu sheegay in Ganacsadde Ahmed Cismaan Geelle uu xidhiidh shaqo iyo mid Macmiil uu la lahaa ilaa toddoba Baan oo ka jira dalka Djibouti, kuwaas oo ay wax kala qaadan jireen iskunna celin jireen, arrinta iswaydiinta lihi waxay tahay waa maxay sababta uu Baanka BCIMR ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaybta ka yahay uu u daba socdaa? Maxay kuwa kale u soo raadsan waayeen? Halkaas waxa ku jira way darreemi karraan Shacabka Somaliland.

Kolkay $128 Million dhaceen

Ayay doonayaan kororsiimo,

Bal yaanay ku noqon dhunkaal

(Laan daaqa geeluba lebigii jarka u dhaw intuu laac is leeyahay, sow looli kama dhaco).


Abdiqani Cabdilaahi Axmed (Asparo).

Loading...
Loading...