Zidane Oo Shaaciyey Magacyada Laba Ciyaaryahan Oo Uu Ka Doonayo Horyaalka England.

0
Wednesday April 03, 2019 - 17:43:26 in News by
  • Visits: 2020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zidane Oo Shaaciyey Magacyada Laba Ciyaaryahan Oo Uu Ka Doonayo Horyaalka England.

    Tababaraha Zidane Oo Dib U Dhisaya Kooxda Real Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Zidane Oo Dib U Dhisaya Kooxda Real Madrid


Tababaraha mar kale la wareegay maamulka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday laba ciyaaryahan oo uu maamulka sare ee kooxda ku wargeliyey inay muhiimada siiyaan sidii ay xagaagan u keeni lahaayeen kooxda.

Image result for zidane pogba and hazard


Zidane ayaa ciyaaryahanada Paul Pogba iyo Eden Hazard oo ka tirsan kooxaha Man United iyo Chelsea ee horyaalka Ingiriiska ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad ee uu doonayo inuu la soo wareego xagaagan.


Tababare Zidane ayaa haatan u muuqda inuu faraha ka qaaday ciyaaryahanka Kylian Mbappe oo ka tirsan kooxda PSG ee dalka Faransiiska kaas oo muhiimada koowaad u ahaa. Iyada oo kooxda Real Madrid ay ka walaacday in dhigeeda PSG ay ganafka ku dhufan doonto dalab kasta oo ay uga gudbiyaan ciyaaryahankaasi.


Sida ay qortay jariirada AS kooxda Real Madrid ayaa dedaal galinaysa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Pogba iyo Hazard marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada ee qaarada yurub.


Dhinaca kale tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ciyaaryahankiisa Pogba uu ku faraxsan yahay joogitaanka kooxda, isaga oo meesha ka saaray wararka ku xidhiidhiyey inuu u wareegayo kooxda Real Madrid.

Sidoo kale tababaraha kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa ku adkaysanaya in loo soo gacan galiyo labadan ciyaaryahan isaga oo maamulka sare ee kooxdaas cadaadis ku saaraya inay u hawl galaan soo xera galinta labadan laacib.

Loading...
Loading...