Midawga Yurub Oo Xisbiyada Somaliland Ka Dalbaday Inay Heshiis Ka Gaadhaan Muranka Doorashada.

0
Wednesday April 03, 2019 - 14:38:20 in News by
  • Visits: 3270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Xisbiyada Somaliland Ka Dalbaday Inay Heshiis Ka Gaadhaan Muranka Doorashada.

    Midowga Yurub Oo Saddexda Xisbi Ugu Han-jabay Hadii ay Go'aan Deg Deg Ah Gaadhi Wayaan in Ay Talaabooyin Qaadi Doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub Oo Saddexda Xisbi Ugu Han-jabay Hadii ay Go'aan Deg Deg Ah Gaadhi Wayaan in Ay Talaabooyin Qaadi Doonaan.


Hargaysa(HWN)Saddexda xisbi qaran ee somaliland oo aad u aragtiyo kala duwanaa ayaa saaka waxa xarunta guud ee xisbiga ucid ku yesheen kulan deg deg ah ka dib markii shalay galab-nimadii ay waftigii ka socday midawga Yurub Kulan Kula Yesheen magaaladda hargaysa.


Midawga yurub ayaa saddexda xisbi qaranka ee somaliland u soo jeediyay in khilaafka ay isku hayaan go’aan deg deg ah ka gadhaan hadii ay gaadhi wayaana ay ka tashanayaan kaalmooyinka ay siiyaan somaliland taasi oo kaga dhigeen xujo aanay hayn xisbiyadda qaranku go’aan kale oo ay u dhafaan.



Kulanka ay saaka saddexda xisbi qaranka ee somaliland ku yesheen xarunta ucid ayaan loo ogalaan in ay warbaahinta gudaha u galaan goobta uu shirku ka socdo balse waxa jira in kulamadaasi ay ka soo baxeen go’aamo dhawaana ay shaacin doonaan oo lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka,waxaana waftigan midawga yurub ka socdaa ee hargaysa yimid ay xisbiyadda ku canaanteen sida aanay marna iskugu soo dhawaan.


Xisbiga Kulmiye Kulanka saaka ka dhacay xarunta ucid waxa u matalayay oo madasha goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha somaliland maxamed kaahin,guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye axmed cabdi dheer,cabdi casiis maxamed samaale iyo cabdi kariin xinif.


Xaga xisbiga waddani waxa isaguna u matalayay oo joogay madasha guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga waddani cabdi qaadir jirde hogaamiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xasan,xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha waddani.


Dhinaca kale waxa xisbiga ucid iyaguna kulanka uga qayb galay guddoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal cali waraabe,murashax ku xigeenkii xisbiga ucid Aqoon yahay Axmed Cabdi Abyan,xoghayaha guud ee xisbiga ucid iyo Xoghayaha Arimaha Gudaha.


Sidoo kale waftigan ayaa kulan iyaguna lasii yeeshay Gudida Doorashooyinka qaranka somaliland iyo waliba shirguddoonka aqalka golaha wakiiladda somaliland oo uu guddoominayo guddoomiye baashe maxamed faarax.


 

 
 

 

Loading...
Loading...