Ku: Tifatirayaasha iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed

0
Friday February 28, 2020 - 09:46:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku: Tifatirayaasha iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed

    Ujeeddo: Talo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddo: Talo

Salaan qaddarin xambaarsan iga guddooma. Waad la socotaan Coronavirus iyo cudurka uu dhaliyo ee Covid–19 ayaa caalamka aad ugu faafaya. 80 kun oo ruux oo jooga in ka badan 40 dal ayuu ku dhacay.


Mareykanku dhowr bilyan oo doollar ayuu u qoondeeyay in dadka Mareykanka ah ee uu ku dhaco lagu daweeyo cudurkana lagu xakameeyo.



24 saac ee na dhaafay dalka Iran wuxuu cudurku ku dhacay in ka badan 100 ruux.


Iran oo maxaabbiis Soomaaliyeed laga sugayo iyo Italy oo arday, ganacsato iyo qaar qurbojoog ahi ay ka yimaadaan ayaa ka mid ah dalalka faraha ba'an uu cudurku ku hayo ee ku soo biiray China oo arday iyo ganacsato Soomaaliyeed ay joogto u tagaan ugana soo laabtaan.


Soomaalidu waxay ka mid tahay qowmiyadaha aad u safra.


Waxaan Tifatirayaasha iyo weriyayaasha xusuusinayaa in laga digtoonaado in qof Soomaali ama ajnabi ah oo dalkeenna jooga lagu sheego in uu cudurkaa qabo haddii aan laga soo xigan il rasmi ah oo warkaa faafintiisa leh, mas’uuliyaddiisana qaadi karta.


Ku dhawaaqidda cudurkaasi waxay yeelan kartaa saameyn dhinacyo badan gaarta ama dhaawacda, kuwaas oo dhaqaalaha, isu socodka gudaha iyo dibadda iyo amnigu ay ka mid yihiin.


Ha iga raalli ahaadeen weriyayaasha feejigan iyo kuwa khibradda ku darsaday ee wax ay ogaayeen aan xusuusiyay.


Guuleysta.

W/Qoray: Yuusuf Garaad

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...