'' Heshiiska axsaabta , Falanqayn Sharci ''.

0
Friday February 28, 2020 - 09:07:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Heshiiska axsaabta , Falanqayn Sharci ''.

    Axsaabta siyaasaddu waxay maanta saxeexeen heshiis ay ka gaadheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axsaabta siyaasaddu waxay maanta saxeexeen heshiis ay ka gaadheen
 khilaafkii ka taagnaa muranka komishanka , hadaba heshiiskaa ayaynu ku samaynaynaa falanqayn kooban oo sharci .

Nuxurka heshiiska .


Heshiiska la kala saxeexday waxaa ugu mudan sadex arrin .

1- Soo celinta gudididii horre ee doorashooyinka .

2- Samaynta Guddi cusub oo loo bixiyey TEMU .

3- Samayta waajibaadka shaqo ee gudidada TEMU .



Xayndaabka Sharci .
Komishanka doorashooyinka Qaranku wuxuu ka aasaasan yahay Xeerka loo yaqaano Xeer No/20/2001 .

Hawl-gudashadda iyo waajibaadka komishankana xeerkaas ayaa si faahfaahsan u tilmaamay , xeerkaasina waa xeer dhaqan gal ah oo aan waxba lagga badalin .


Heshiisku xeerka ma badali karaa ?
Xeerka oo ah xeer dhaqan gal ah , heshiiska sadexda xisbi waxba kama badali karri , hadii aan heshiiska loo gudbinin golaha wakiilada , ka dibna aan wax ka badal laggu samaynin xeerkii komishanka .


Dhismaha Heshiiska .

Heshiiska waxaa laggu dhisay qodobadiisa qodobka 2aad oo sheegaya in Komishanka doorashooyinku u igman doono shaqooyinka laggu xusay heshiiska Gudidada loo bixiyey TEMU, shaqooyinkaas oo ah kuwa ku qeexan qodobadda 14aad iyo 15 aad ee xeerka komishanka ee Xeer No 20/2001 .


Hadaba waxaa is waydiinle , komishanku arrimaha ku xusan qodobadaa cid kale ma u igaman karaan sharci ahaan .


Gudidada doorashooyinka sidda uu qeexayo xeerka komishanku waa guddi madaxbanaan , waajibaadkooda iyo shaqadoodana xeerbaa qeexay , sidaa darteed waajibaadkooda oo ah mid sharci oo qeexan kuma wareejin karaan cid kale hadii aan xeerka la badalin .sababtoo ah komishanka shaqadiisu heerarka ay marto oo dhami waa kuwo qoran , meel guddi cusubi kasoo geli kartaana ma jirto .


Fursada heshiiska .

Sidda ku xusan qodobka 6aad ee heshiiskan , heshiiskan waxaa loo fulinayaa si waafaqsan xeerarka wadanka oo dabcan ah xeer No 20/2001 , xeerkaasna kuma xusna gudidan cusub iyo shaqooyinkeedu sidaa darteed ma jirto fursado sharci ahaan heshiiskani haystaa .


Xalinta khilaafka .

Qodobka 6aad , ee heshiiskan ayaa sidoo kale qeexaya in fasiraada , waxka badalka iyo xalinta khilaafyada ka dhasha xeerkan ay u xilsaarantahay maxkamadda sarre muddo 14 cisho ah , go;aankeeduna noqon doono kama danbays , sidaa darteed waxay u muuqataa in aan heshiiskani ka maarmayn in maxkamada sarre waafajiso xeerka komishanka doorashooyinka .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...