Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.3aad (Abdi-Shotaly).

0
Friday February 28, 2020 - 08:45:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.3aad (Abdi-Shotaly).

    Qaybtan sadexaad ee aan kaga hadlayno Illaah caafimaad ha siiyo'e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtan sadexaad ee aan kaga hadlayno Illaah caafimaad ha siiyo'e
Madax-Weyne Ahmed Siilaanyo, Waxan ku bilaabi doonaa haddii "Alle Idmo" Dardarankii uu Madax-Weyne Daahir Riyaale" Siiyey markii uu ku wareeji-naayey maamulka dalka iyo dadka ee ahaa "Aniga Somliland ku burburi mayso gacan-taydda, ee waxan maanta kugu wareejiyey dal iyo dad wadda socdda" Inaka oo halkaa ka sii amba-qaadayna, ma u malaynay-saan in sidda kor uu ku sheegay Madax-Weyne Riyaale waxa u dhaceen, oo ay hadda wadda socdaan dadka iyo dalku? Wuxu sii arkaayey farsamooyinka meesha ka soo socdda ( Waxad odhan doontaa miyaa loo soo wax-yooday), Waxa ay wadaan cuqdad qaba-yaashii abaabulay dagaalkii maryo-aloolka ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo Shaaximani." Sidaan hore qayta labaad ugu soo sheegay, Madax-Weyne Daahir Riyaale wuxu  ahaa " Geesi Isaaq garan waayey, oo guduri loo loogay iyo Ruux gabaana-dane, oo kuwo ciil ku gaamuray, guudka kaa rarteene, imikaa la goobyaa-laysaan, geeri iyo boobe, maxaad galabta haysaan. waydin-kaas go'aye".Tolaay yaa isaaq aheey, Halkay idin dhigtay? Saw eex la idiin soo kala dhawaysto iyo reer hebel uma aydin kala didin, oo halgan-kiinii kuma uu dambayn kii isticmaarka ee ahaa " Qaybi oo xukun" ( Divide and rule). Uma aydin gacan gelin kuwo idiin soo shaqo tegay, oo sidda musa-cagalaydda laba carab leh, oo hanti-diinii muud-saday, weliba idiin milikh-saanaaya in laf-tiina ay iibiyaan. Waa taas kii Mareexaan ee Xamar joogay, idin leh sidaas weliba xaal ku bixiya, ee taana ma filay-seen. ka maala waa halkay idin dhigeen kuwii aad lahaydeen tol-kayo weeyee. Aan dib ugu soo noqdo soo yaalkii Madax-Weyne Siilaanyo, ee iga qabta waa tane.


Siilaanyo wuxu ahaa ama sooyaalka SNM uu ku lahaa iyo Maamul-kiisii halkan hoose ka akhri:-

(a) (Marka hore u soo duceeya in illaah siiyo caafimaad) Wuxuuna ahaa Gudoomiyihii ugu mudadda dheeraa, ee laba jeer la iskaga daba doortay, ha-yeeshee, waxa la is weydiinayaa wakhti-gaas muxuu soo kordhiyey ama baabi'iyey? Ee loo hayaa horumar iyo dib u dhac kii uu sameeyey-ba? Halkan hoose baad ke heli doontaa ee ku soo dhawaw, xaqiiqdda runta ah ee uu lahaa.

(b) Wuxuu ahaa kii inta uu dagaal ummadda geliyey subax khamiis ah oo taariikh-du tahay 27/May/1988, cagaha wax ka deyey, ee isi soo cayn-taariyey ilaa iyo London, weli lama arag madax-weyne ama gudoomiye jabhadeed, oo intuu ummadda dab saaro, keliggii ka baxsadda, oo yidhaaha taydda baan bad-baadi-nayaa? Iyaba waayaabe Subixii jimce Baa BBC-du qaybta af somaligga ahi sheetay in xalay SNM ay gashay Burco. Akhristaw isla maalin-taas Shir buu isugu yeedhay Siilaanyo London ah, dhamaan Laamaha UK ka furan ee SNM ( Siilaanyo markaa Afar Cisho buu Dalka Ingiriiska joogay), Waxan ka mid ahaa aniga oo Abdi-Shotaly ah, 3-ddii Xubnood ee ka tegay Manchester, anaka oo kala ahayn:-

(1) Aniga oo ah Abdirahman Jama Ahmed ( Abdi-Shotaly),

(2) Faarax Xasan Jagac,

(3) Ahmed Ismaaciil Warsame ( Mijir) Illaah ha u naxariisto'e oo janaddii fardawsa ha ka waraabiyo'e, denbi-giisana haka dhaafo'e.

Waxanu waydiinay, haddii aad siilaanyo tahay, mudo afar maalmood ah baad dalka joogtay, shirna waad isugu kaayo yeedhay deg-deh ah laamaha oo dha, Gudoomiyihii SNM baad tahay, dagaalkii waad ka soo baxsatay, halkii aad ka hagi lahayd Ciidanka Jabhadda SNM, Maaxad sheegaysaa ee aanu kaa dhegaysanaa? fulay-nimo baad naf-taadda oo keliya badbaadi-saye, intaad ummaddii dagaal, qax iyo dabar-goyn' gelisay, ee is casil bay dadkii qaar ku yidhaaheen, haddii aad soo saxeexday in ay SNM qaado Dagaal, maxaad ula joogi wayday? Wax dadka qanciya noomuu sheegin, ee buuq iyo qaylo baa halkii ka dhashay iyo in lagu kala dareero.

(c)  Markii dalka la soo galay, ee lagu dhawaaqay Somaliland, Wuxu markii ugu horeysay uu Madax-Weyne Cigaal maamul-kiisii u Carabaabay, in uu noqdo Wasiirka " Dhaqaalaha" laakiin wuu iska casilay isaga oo wakhti aan dheerayn ahayn-ba "

(d) Wuxuu ahaa mus-dambeedkii Dagaalkii sokeeye, ee taladda ay ka qaadan jireen labadda askari ee ( haatan xukunka boobay), Wuxu fadhiistay oo xarun u noqotay Berbera " Isaga iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" isaga oo ka soo hor jeeday mamaulkii Cabdiraxman Axmed Cali.

(e) Markii Ururadda la furey wuxu abuuray Xusbiga Qudhmiye la yidhaaho, oo aan wax qaneecaad ah oo la sheego dalka u keenin haba-yaraate, is nac iyo burbur mooyaane, cid kale iska daayo Isaaqii kala finiyey.

(f) Wuxu furey markii ugu horeysay ama uu ogolaaday in wadda hadalka Somaliya iyo Somaliland oo xaaraan ahaa la bilaabo, oo ay xaaraan-timeeyeen Madaxddii 3dda ahayd ee ka horeysay, waa halka la inaga soo galaye.

(g) Wuu Xanuunsaday, oo wuxu waddi kari waayey Maamulkii, waa markii ay ka dareereen ilaa iyo toban madaxddii ahayd sidda Hogaamiyaha Waddani Xirsi Xaaji cali, Maxamed Biiixi Yoonis, Abiib Tima-cad, Xuseen Caydiid iyo qaar kaloo badani. Waxana u taliyey Maxamuud beenaale Gaafaadhi oo shidka u galay.

(h) Waxa bilaabmay in colaad la dhex dhigigo Sacad Yoonis Iyo Biciidda, iyaba waa midh subxaana-laahi ahe, wuxu amar ku bixiyey, in magaalooyinkii Sacad yoonisd Cagaf-cagaf la geliyo, oo xataa Masaajidaddii illaahay dhulka lala simo ( taas oo xataa aanay ku samaynin Yuhuudu Falsatiin) Waa halka ay qaladu kaga dhacdaye. xanuun-kiisana loogama horeyn malain-taas.

 (i) Kooxddii uu u gacan galay, waxa ay bilaabeen in magaciisa lagu iibiyo dalka qaybihii ugu qiimaha badnaa, oo lacag lagaga qaato lacag fara badan "Dawladda Isu-Taga Imaaraadka Carabta" Sidda Dekeddii Berbera iyo garoonkii ugu dhabada dheeraa Afrika. Waxay noqotay Waraabaw waa hal, ee kii ka qadaw Alle iyo Nebi (CSW) ka go'.

(j) Halkaa marakay maraysay ee uu xanuun-saday ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e), ee uu ogaaday in aan la sii qarin karayn, oo aany isagu mamaulin dalka, una dhaafay hawshiisii Maxamuud Xaashi Beenaale, oo aanu ku sii shaqaysan karayn, dabeed waa ka dhabarka taabtay askarigan waalan, ee yidhi mar labaad isma soo sharaxi karo, waayo ma wadi karo oo waxaan ii saamaxayn Xanuunka i haya.
 
 (k) Madax-Weyne Siilaanyo Wuxu furay Ururo cusub, Waxana ka soo dhex baxay Xusbiggii Udub oo ku hadhay iyo Xusbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo bedelay,  Ucid oo uu soo Saaray Mudane Jamaal Cali Xuseen, baa isna ku soo laabtay Saaxadda Siyaasadda, inkaste oo markii dambe loo qayilay, sifo aan sharci ahayna daaqadda looga tuuray xaq darro awgeed. isna khalad kale sii sameeyey markuu isu dhiibay " Raggii ma adigaa ka hadhay". ee uu lahaa geella baa isugu kaayo jira, waxan waydiin lahaa Mudane Jamaal Cali Xuseen, aniga oo ixtiraam iyo qaradin u haya, Imika ma kala soocateen Geelii isugu kiin jirey askariga? Mise waa maya?

(L) Wuxu qabtay laba doorasho oo ay eeday ummadda reer Somaliland, kana dhacday musuq-maasaq xaaran ahi ( abid kii ugu weynaa), iskaga shubasho aan loo miidaan deyin oo aan xad lahayn, oo aan cadaalad iyo  dimuqraadiyad midna aan ku salaysnayn, kuwaas oo kala ahaa:-

(1)  Tii deegaanka ee labaad oo wixii ka dhacay la ogaa ee anshax xumidda iyo cadaalad la'aanta lagu meel marsaday.

(2) Talbaad oo ahayd tii uu boobka u sameyey Askarigan, ee cadaanka loo boobay foodkii ummadda.

(m) Wuxu si badheedh ah uu dhabarka u taabtay askariga doorshadda musharax-nimaddii Qudhmiye, oo ah eex uu umadda ugu gacan geliyey doorashaddii madax-nimadda " Raggii ma adigaa ka hadhay" inkaste oo uu iskaba xanuunsa-naayey, oo ay maamula-nayeen labadda askari iyo xulafa-doodu, Waxa ummadda haysta imika waxa loo haystaa if iyo aakhiro-ba Siilaanyo, ilayn isaga baa ula kas ugu dhiibay kan magnuunka ahe.

Madax-weyne Siilaanyo, Wuxu sooyaal-kiis ku soo af beelay, isaga oo dalka magaciisa lagu xaraashay, boobay, qabyaalad loogu kala ab-tiriyey, eex iyo ab-tirsiimo, tuuganimo ( mid-ba kuu ka tuugsan yahay la soo xushay). oo ummaddii wadda socotay inba gees u dareereen, lays nacay ilaa xad-na uu ku burburay gebi ahaanba dalkii, oo maanta meel inoo fayoobi aanay jirin. Markii uu ka tegay Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali, baa Madax-tooyana ugu dambaysay iyo Magac Somaliland ah oo aduunka ka shaqeeya. Been iyo iska daba wareeg, ila-meerayso iyo wax aan u cuntamayn ummadda baa lagu akhriyaa, Waxan ku soo af-meeray, ka dar oo dibi dhal baa yimiye, oo waa kaas intii sii hadhay-na xaga kale ka rogay askarigan kala wareegsani. Siilaanyo-se wuxu wuxu ahaa nin dhaqan yaqaana, oo ha iskaba lahaado dhaliilo'e, wuxuun xeerinaaya, intii uu bed qabay, sharcigu wuu shaqay-naayey ilaa xad ( ha lahaado mad-madawe), Xoriyatul-qawlku caadi buu ahaa, sidana may ahayn is dhex qaaday, ee nin wax maqla oo xishoodda buu ahaa, una tudha dal-kiisa iyo dad-kiisa.kama uu talinayn ka sheegta Kud-Madaw iyo Gaafaadhi, Maxamuud beenaale, Tuug baa heshaye Wuxu ahaa Siilaanyo Ruux u daacad ah dal-kiisa iyo dad-kiisa, oo waa kaas iska casilay, ee bal imikaba labadan askari ee wajaqani ha is casileen iyo Maxamuud Beenaale.

               La Soco Qaybta 4raad.
* N.B Aniga Gacan-Taydda Ku Burburi Mayso Somaliland!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...