Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo Cusub Iyo Xubno Kale

0
Tuesday April 02, 2019 - 15:05:37 in News by
  • Visits: 4496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo Cusub Iyo Xubno Kale

    Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo Cusub Iyo Xubno Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo Cusub Iyo Xubno Kale


Hargeysa, April 2, 2019, (WW&S) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Waaxyaha WW&S iyo Guddoonnada Waxbarashada ee gobollada dalka.




Sidaasna waxa lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cismaan Jaamac Aadan, taas oo summaddeedu ahayd "MOE/S/01/151/19” isla markaasna u dhignayd sidan:


"Markaan arkay qodobka 81aad ee Dastuurka JSL iyo qodobka 25aad ee Xeerka Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladda (Xeer Lr. 01/2018).


Markaan tixgaliyay baahida weyn ee loo qabo waaxyaha Wasaaradda oo muhiimad weyn u leh waajibaadka Wasaaradda iyo Hiigsiga qaranka ee (NDP2).

Markaan ku qancay aqoonta iyo waayo'aragnimada shaqo ee ay u leeyihiin xil agaasime waaxeednimo.


Markaan sameeyay wadatashi ku habboon.


Markaan ku qancay, islamarkaasna aan tixgaligay waayo'aragnimada shaqo ee masuuliyiinta cusub.


Waxa aan go’aamiyay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/04/2019 aan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku qoran mid kasta xilka ku hor qoran:


1. Yuusuf Xuseen Maxamed ~ Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare.


2. Xuseen Cabdi Cali ~ Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadaha


3. Maxamed Cabdi Muxumed ~ Gudd. Waxbarashada ee Gobolka Hawd.


4. Cabdiraxmaan Axmed Xuseen ~ Guddoomiye-kuxigeenka Waxbarashada ee Gobolka M/jeex Bari.


Masuuliyiinta xilalkan hore u hayay waxa aan ku ammaanayaa muddadii ay xilka hayeen shaqooyinkii wanaagsanaa ee ay Wasaaradda la qabteen, waxaanan farayaa in ay niyadwanaag xilka ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub.


Agaasimaha Guud ayaa masuul ka ah u kala wareejinta xilalka waqtiga ku habboon ee ugu dhaqsaha badan.”


Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa leh qaabdhismeed ay ku jiraan waaxo ka badan kuwa Wasaaradaha kale, iyada oo ay yar tahay isku beddalka ay Wasiirradii kala duwanaa ee soo maray Wasaaraddu madaxda Waaxaha, waxaanay tallaabada uu qaaday Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku tahay mid ay soo dhoweeyeen in badan oo shacabka Somaliland ka mid ahi.


Loading...
Loading...