Itoobiya Oo Go'aan Ka Qaadatay Wadda Hadal Lagu Xalinayey Muranka Biyaha Wabiga Nille

0
Thursday February 27, 2020 - 18:34:03 in News by
  • Visits: 2039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Go'aan Ka Qaadatay Wadda Hadal Lagu Xalinayey Muranka Biyaha Wabiga Nille

    Itoobiya Oo Go'aan Ka Qaadatay Wadda Hadal Lagu Xalinayey Muranka Biyaha Wabiga Nille

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya Oo Go'aan Ka Qaadatay Wadda Hadal Lagu Xalinayey Muranka Biyaha Wabiga Nille


Addis Ababa(HWN):-Wasiirka biyaha ee dalka Itoobiya Seleshi Bekel ayaa sheegay in dalkiisa aanu ka qeybgeli doonin wadahadallada cusub ee lagaga hadlayo muranka ka dhashay biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.



Mareykanka ayaa martigeliyay wadahadallada u dhexeeya Masar iyo Itoobiya kaas oo lagu waday in Khamiista iyo Jimcaha lagu qabto magaalada Washington.


Haddii la dhameystiro biyo xidheenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile wuxuu noqonayaa biyo xidheenkii ugu weynaa Afrika ee laga dhaliyo korontada.


Waxaa arrintaas ka dhashay khilaaf ka dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan, taas oo horseeday in Mareykanka uu kala dab qaado.


Waxay saddexdan dal bishii lasoo dhaafay ay gaadheen heshiis hordhac ah oo ku aadan biyo xidheenka.

View image on Twitter
Loading...
Loading...