Somaliland Wali Ictiraaf Kamay Raadin Aduunyada(Somaliland SNM Maaha)...By Mohamoud Warsame Ruush

0
Thursday February 27, 2020 - 18:21:23 in Articles by
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Wali Ictiraaf Kamay Raadin Aduunyada(Somaliland SNM Maaha)...By Mohamoud Warsame Ruush

    Somaliland Wali Ictiraaf Kamay Raadin Aduunyada(Somaliland SNM Maaha)...By Mohamoud Warsame Ruush

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Wali Ictiraaf Kamay Raadin Aduunyada(Somaliland SNM Maaha)...By Mohamoud Warsame Ruush


Image may contain: 1 person


29 sanadood ayey jirtaa Somaliland-tan iska dhisani, waxaynu aduunyada waydiisanay ictiraaf, aduunyadii waxay inagu tidhi waa maxay sababta aad uga go`aysaan soomaaliya? Waxaynu 29-ka sanaba ku jawaabaynay waa nala laayey!


Hadaba marka ay halkaa ka bilaabanto ictiraaf raadintu halkaana ku dhamaato ayaa waxa la is waydiinayaa ayaa la dilay? Waxa la dilay qabiil ku midoobay SNM oo yidhi dawladdii Kacaanka ayaan wax ka tirsanay kadibna way na laayeen.


Hadaba lama dilin Reer Awdal iyo Harti waqooyi oo ka mida qabiilada waawayn ee dagan dhulkan la odhan jiray Brithish Somaliland, hadaba halkan waxa ka cad in reerkii SNM ku midoobay ay la baxeen Somaliland oo u dhiganta SNM, waxaana halkaa ka cadaanaysa in aan reer la ictiraafi karin.


Ictiraaf-raadinta kuma filna waa la idilay, laakin waxay ku xidhanyahay in la qanciyo oo la raaligaliyo Reer Awdal iyo Hartiwaqooyi, waxayna raagalintaasi noqonaysaa:


1.In SNM qirato inay ku fashilantay in ay keento dawladd dhaanta tii kacaanka ee ay duminteeda ka qayb qaadatay, sidaas darteedna ay raaligalin ka bixiyaan nidaamkan reeraysan ee ay iyagu maalaan


2.In SNM raaligaliso hartiwaqooyi oo ay ka burburiyeen dawladdoodii(Daarood)
3.In SNM raaligalin iyo garawshiyo ka bixiso xasuuqii ay ka gaysatay Awdal iyo Selel
4.In SNM hirgaliso wixii lagu heshiiyey 1991-kii, Burco ,oo ah Somaliland lawada leeyahay


Intaas hadii la waayo, waxaad dhisandoontaan dawladdii dadkii la dilay.


Mohamoud Warsame Ruush

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...