Sacuudiga Oo Dadka Ajaanibta Ka Joojiyay Cumrada

0
Thursday February 27, 2020 - 16:50:35 in News by
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Dadka Ajaanibta Ka Joojiyay Cumrada

    Sacuudiga Oo Dadka Ajaanibta Ka Joojiyay Cumrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga Oo Dadka Ajaanibta Ka Joojiyay Cumrada


Hargeysa(HWN):- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dadka ajaanibta ah ka joojisay Cumrada, xilli uu aad u faafayo xanuunka dilaaga ah ee Corona kaasoo kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanadka oo dhan Cumro u tega magaalada barakaysan ee Maka, waxaana ay tirada dadka Cumraysana aad sare ugu kacdaa xilliyada uu soo dhaw yahay Ramadaanka.

Xayiraadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo ka yar 60 maalmood ay ka harsan tahay xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ma jiro qof qaba cudurka Corona oo ilaa hadda lagu arkay dalkaasi Sacuudiga, hase yeeshee dowladda ayaa joojisay dhammaan ajaanibta uga imanaya dalalka lagu arkay Corona.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in go'aankan uu yahay mid si kumeelgaar ah loo dhaqangelinayo, balse ma aanay sheegin inta ay socon doonto xayiraadda.

Samiir Hashmi, weriyaha BBC ee ganacsiga Bariga Dhexe, ayaa sheegay in Sacuudiga uu ka baqayo in cudurka Corona uu dalkaasi ugu faafo si lamid ah sida uuu u saameeyay dalka Iiraan.

Inta badan kiisaska cudurkaasi ee lagu arkay dalalka Cumaan, Kuweyt iyo Baxrayn ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dad siyaari diimeed uga soo laabtay dalka Iiraan.

Xayiraadda Cumrada ayaa culays dheeraad ah saari doonto dhaqaalaha Sacuudiga, maadaama uu hoos u dhacay qiimaha shidaalka cudurka Corona awgii.

Sacuudiga ayaa ah dalka shidaalka ugu badan u dhoofiya waddanka Shiinaha ee uu cudurka sida xun u saameeyay.



SOURCE BBC

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...