U hadal sidii Hogaamiye

0
Thursday February 27, 2020 - 09:41:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U hadal sidii Hogaamiye

    Aqoonta fagaare ka-hadalku waa xirfadaha ugu muhiimsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonta fagaare ka-hadalku waa xirfadaha ugu muhiimsan
ee laga rabo Hogaamiye kasta, iyo qof kasta oo ku naaloonaaya sidii uu u noqon lahaa Hogaamiye naftiisa wax-tara, dadkiisana meel gaadhsiiya.

Aqoontan waxa lagu bartaa hababka ugu wanaagsan ee aad usoo jeedin karto hadal ama khudbad, saamayn wayn kaga tagta dadka dhagaystayaashaada ah, iyada oo lagu barto hab diyaarinta khudbadaha, Codka, xarakaat jidhka, tilmaamaha wejiga, hab-istaaga hadlaha, sameynta hordhac caaqibo leh, iyo Gunaanad aan ka bixin maqalka dhagaystayaasha, intaas iyo waxbyaabo kasi badan ayaa lagu bartaa, waa sababta keenta in dadka qaar la xiiseeyo hadalkooda, qaar kale oo badana lagu luloodo daqiiqada koowaadba.

Aqoontani waxa ay waajib culus ku tahay dadyawga hoos ku qoran, hadaba haddii aad ka mid tahay aad ayey u muhiim u tahay inaad aqoontan ku hubaysnaatid.

1.      Shaqo-doonka

Waqtigan aynu ku jirno waxa dhacda in fursadaha shaqo ee soo baxa ay koobanyihiin, dadka u tartamayaana ay aad u badanyihiin, haddaba haddii aad xirfaddan taqaanid waxa hubaal ah in aad noqon doontid qof dheer tartamayaasha kale arrin aad u wayn, badanaa dad ay reebtey aqoontan la’aanteedu.

2.     Hogaamiyaha

Waxa aan uga jeedaa Hogaamiye, qofka hormuud ku ah hawsha uu hayo, kaas oo ay dad badani kor u eegaan, waxa aad hogaamiye ku noqon kartaa Caafimaadka, Dacwadda Islaamka, Arrimaha Bulshada, Wax-barashada, Shaqadaada, iwm, marba haddii aad tahay qof noocaas ah waa muhiim inaad xirfaddan aad baratid.

3.     Macalin

Macalinku waa dadaywaga ay muhiimka ay tahay in ay bartaan aqoontan, oo sidee ayuu u gudbin karaa aqoonta uu hayo haddii aanu cod-kar ahayn, sidii ayuu u fahamsiin karaa ardaydiisa casharada uu barayo, side ayuu u waanin karaaa haddii aanu fikradba gudbin karayn.

4.    Siyaasiga

Ma aragtaa Siyaasi marka aad maqasho hadalkiisa aad moodayso in uu yahay Komiidi? Ma aragtaa siyaasi mar kasta oo uu hadlo, hadalkiisu uu noqdo mid wax khariba in ka badan inta uu hagaajinaayo? Ma aragtaa siyaasi aad ku luloonaysa warkiisa marka uu hadlaayo? Ma aragtaa mid marka uu hadloba dadku isku dhacaan, qaar taageersan iyo qaar kasoo horjeeda labadaba ? Kuwaas oo dhami waa dadka ay tahay in ay bartaan aqoonta, adiguna haddii damac siyaasadeed kugu jiro waa inaad ka duwanaataa kuwaas hore.

5.     Ardayda

Ma ogtahay in ay ardaynimadu tahay caalam weyn oo la mid caalamka ka baxsan ardaynimada? Waxa ay leedahay guul iyo guul darro, hogaamiye iyo taageerayaal, siyaasad iyo xeerar, waxa ay leedahay wax kasta oo nolosha kaleba ay leedahay, haddaba haddii aad arday tahay, isla markaana aad rabtid inaad Hogaamiye ku dhex noqotid waa inaad barataa xirfaddan muhiimka ah. Sida oo kale waxa dhacda in ardayda in badan loo diro waxyaabo ay soo baadhaan dabadeedna ay soo jeediyaan, taasina kama fursanayso inaad aqoontan baratid.

Saaxiibkayoow, walaalka aan jeclayoow, Rajoda Dadkiisoow…….

Waxa aan ogahay inaad rabtid inaad hogaamiye noqotid, inaad hormuud ku noqotid halka aad nolosha kaga jirto, waayo ma jiro qof naftiisu raali ku tahay hoosaynta iyo hagaasnimada, hadaba si aad u gaadhid yoolka sare ee aad ku taamaysid baro xirfaddan Fagaare ka hadalka, oo U Hadal sidii Hogaamiye.

 

Course-ka Bilaash ah

Course-kan hoos ku lifaaqan { U Hadal sidii Hogaamiye} waxa aad ku baran doontaa Xirfaddan YouTube-ka, fadlan ka faa’idayso, waana bilaash intaanu waqtigu kaa dhicin,. ( Hadhaw ayaad ii duceyne J)

 

https://www.youtube.com/playlist?list=PLEw560SuOzWE6t5bKOphxieoCmN_gm7pw

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...