Fariintan Madaxwaynaha Haloo Gudbiyo . W/Q Garyaqaan Rajab Ismail Salah ….

0
Thursday February 27, 2020 - 09:18:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariintan Madaxwaynaha Haloo Gudbiyo . W/Q Garyaqaan Rajab Ismail Salah ….

    Mudane Madaxwayne Qarankana adigaa Ka Masuul ah Adiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Madaxwayne Qarankana adigaa Ka Masuul ah Adiga
Kusaarantahay Masuulsada Shacbiga sidaan wada ognahay Doorashadii Waxay Reebtay xajiimyin badan ,Khilaaf Badan waa Hadheeyey Bulshad ,Qabyaaladii Way soo Noqotay ,Dalkii Abaaro baan baa hadheyey .Aduunyadii Way inoo  fiirsanaysaa ,Shacbiga Waa Jahwareersanyahay sidaas dardeed Mudane Madaxwayne isbadalbaa lagaaga baahanyahay .

Dhibaatooyinka Qaranka Haysata :

·        Abaaro ba’an oo Saameyey Bulshadeena .

·        Xajiimyinkii Doorashada reebtay ,

·        Khilaaf badan oo Saameyey Bulshadeena

·        Golahaaaga Wassirada oo aan lahayn khibarad iyo Aqoon .

·        Mashariico horumarineed oon laga fulinayan Gobloda bari .

·        Siyaasadii Arimaha Dibada oo Fadhiid Noqotay .

·        Alabaabao Badan oo Somaliland ka soo Xidhmay .

·        Wada shaqayn La,aan ka jirta Bulshadeenii.

·        Jaaliayadhii dalka kudhiranaa oo Hawlihii ay wadeen ay Gabeen .

·        Fursado badan oo aynu Dayacnay.

 

 

 

 

Sideen uga bixi karaaa Madaxwayne :

·        Dag Dag u Qabo Shirwayne qaran oo Wada tashi ah .

·        Wax shirkaas kazoo baxa Bulshada ha isku saamaxado khilaafkii Doorahooyinka  Dhexmaray .

·        Golahaaga Wassirada badal magacawna Ragan Hoos uqaran :

Prof Ahmed Ismail Samatar …

Ismail Hure Buabaa

Adna Adan Dhakhtar

Mohamed Bixi Yonis ..

Xirsi Haji Ali ….

Jamaal Ali Huseen

Ragaasi in ay talada shirwaynaha qaataan iyagoo qayb ka ah Shirwaynaha wada tashiga

·        Safiirada dhamaan isku Yeedh Mid walba shaqo iyo hawlgal joogta ah 24 sacadood ah in ay xidhiidho cusub sameyaan hala faro .kuwa aan u qalmayn Waa in laga Badalaa meesha .

·        Dadaka iska wax uqabso aan u dhisno  ay hogaaminayaa Salaadiintu .

·        Dorashooyinka iyo waxan dib udhig .

·        Mashaarico Horumarineed aan Bilaabno

·        Sida Mashariicyo lala fuliyo hayadaha Maxaliga ahiyo kuwa Deeq bixiyayaasha iyo kuwa sida Safarada Turkia USA,iyo Safaradaha ARabta .

·        In Sanduuq wayn la sameeyo horumarinta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo dal iyo dibadba qadhaan ururin balaadhan la sameeyo Waliba maalmaha 18 may laguna fuliyo Mashaarico Horumarineed.

·        WAdamada jaarka ah deeqo lawaydiisto .

·        In lacagta Somalia la siiyo iyo mashariicda aynu Qaybteena helno .

·        In Arinta Somalia aad gudi usaarto kazoo tala bixisa sidaan uwada hadlayno iyo sida mashaarcda loo qaybsanyo iyo sida looheshiinayaao case Somaliland iyo Somalia .

Fariintan waxaa soo diray Muwaadin reer Somaliland ah ka rajo belay Wadankiisa dalka dibada uga baxay shaqadiisiin iyo wadankiisiina rajo aan ka qabin .

 

Garyaqaan Rajab Ismail Salah

0634416899

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...