Mustaqbalka Sooyaalka Siyaasadeed ee Somaliland

0
Thursday February 27, 2020 - 09:14:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalka Sooyaalka Siyaasadeed ee Somaliland

    Waxaan shaki ku jirin in Dunidan aynu ku noolnahay in waqti iyo goor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan shaki ku jirin in Dunidan aynu ku noolnahay in waqti iyo goor
kasta iyo wadci-kastaba ay leedahay taayir-rogmaya oo laba-geesooda, taasi oo noqoneysa laba dhinac midna togan yahay midna uu taban yahay. haddaynu wax iska weydiino, waxay tahay Siyaasaddu (politics) qaamuuska Cambridge wuxu ku sheegay, ” the activities of the government, members of law-making organizations, or people who try to influence the way a country is governed”, taasi oo noqoneysa, ” nashaadaadka (fircoonida) dowladda, xubnaha ururada ama hay`adaha sharci sameynta, ama dadka iskudaya inay saameyn ku yeeshaan habka wadan loo xukumo. Marka aynu soo duubno, dawladdu waxay ka kooban tahay saddex dhardhaar oo is-kaabaya mid walba kan kale ka madax-banaan, hadana aanu midna mid ka maarmeyn. Balse dawladda waxa haga oo raad layaab leh oo dadban ama muuqda ku yeesha bulshada. Bulshadu waa minqiyaaska wadan horumarkii ama dibu-dhicii.


Siyaasadda Guumaysiga waxa ka mid ah, haddii uu doonayo inuu wadankaa u taliyo, wuxu bulshadiisa ka qabsadaa aqoonyahankooda, wuxu la dagaalama aqoonta, wuxuu la dagaalama wax-soosaarka dalka, wuxu iska-dhega tiraa baahida dhabta ah ee bulshada, wuxu ka doorbidaa danahiisa gaarka ah isagoo wadooyin qarsoon soo dhexmara, wuxu iclaamiyaa war-aan sax ahayn, wuxu maaweeliya bulshada, wuxu isku-jeediyaa iyaga. Si kasba ha haatee, siyaasadda madaxda Soomaliland waxay tahay mid ku socota dhabo aan sax ahayn, mid aan lahayn jaangoyn iyo hadaf dheeer oo raadaynaya mustqbalka Bulshadooda. Xilli ka badan 100 sano ka hor haddii aynu isbar-abardhigno xilligii dabaciiga (natural) ahaa ee awoowayaasheen ku noolayeen mandaqada aynu ku noolnahay, markii Guumaysigu si toosa ugu yimi, iyagoo tan maanta ka awood yaraa, ayaa hadana waxay lahaayeen maskax iyo maan hirasho fog lahaa, qorshe fog lahaa, himi fog lahaa, kaasoo ay ka doorbideen wax kasta in aan guumaysigu dhulkooda u ogolaan, balse ay badda ku kala saxeexdeen heshiisyo uu hadafkoodii aynu maanta ku naaloonayno, balse maanta siyaasiintu mustqbalka fog ee jiilka Soomaliland maxay uga tegi karaan oo aan ahayn dhul boob, shisheeye kalkaal, kobcin-qabiil oo horseedi karta in dib loogu dhaco gacan shisheeye iyo is-xukun iyo qoqob bulsheed.

la soco qaybata 2aad.

Mohamud Hussein-Finland

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...