Soomaalida Iyo Waxka Sheega Saadaasha (Gabay Awaadhka)

0
Thursday February 27, 2020 - 09:06:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2230
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Waxka Sheega Saadaasha (Gabay Awaadhka)

    Sidaa xaaji dalaayad iyo salaan carabay si lamid ah ayaa abwaan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaa xaaji dalaayad iyo salaan carabay si lamid ah ayaa abwaan a xmed ismaciil diiriye (qaasim) uu lahaa wax sheeg dhab loo arkay bulsho weyntuna ay in badan indhahooda saareen.

Gabaygan waa mid kamid ah waxsheega uu abwaanku umada u sheegay ee gadaal dhab loo arkay, abwaanku isagoo ka xun xukuumadii kala dambeeyey ee somaliya laga soo bilaabo markii xornimada la helay 1960kii ilaa 1969kii isagoo ay dhibtay laaluushkii, qaraabo kiilkii iyo nin tooxsigii, qabyaalad gargaarkii lagu saliday xukuumadihii kala dambeeyey ee soomaliya ayuu tiriyey gabaygan.



 Abwaan qaasim wuxu saadaaliyey 13 bishii octobar 1969kii in xukuumada hada jirta la badali doono oo mid ka kale qabsan doonto, oo ciidan badan ay isbadali doonaan, rag sare tegay oo kibrey oo xukunka ku dhegan ayaa hoos loo celin doonaa, barwaaqo ayaa dhawaan la heli ayuu abwaanku sheegay, wuxu bulshada u sheegay inay ciilka ay iska joojiyaan maxaa yeelay waxa u soo socda wax kheyr qaba sidu abwaanku sheegay wuxu dadka kula taliyey inay cagta u dhigaan isbadalka imanaya ka war sugaan.


Dhamaan waxaa abwaanku sheegay waxay u dhaceen si dhaba oo aanu caad saarnayn 8 ayaamood kadib waxa la inqilaabay xukumadii ay raysal wasaaraha ka ahaa maxamed xaaji ibraahim cigaal ee uu madaxweynaha ka ahaa cabdirashiid cali sharmaake alle ha u naxariisto kaas oo lagu diley magaalada laascaanood xili uu u kuurgal ugu jirey xaaladaha gobolada woqooyi oo markaa abaar darani ka jirtay, waxaana xukuumadaa inqilaabay askartii wadanka ee uu hogaaminayey maxamed siyaad bare halkaana waxa ka bilaabmay 21sano oo waayahooda leh.

Abwaan qaasim wuxu yidhi isagoo arimahaas ka waramaya:

 

·       Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe

·       Xidigaha casaadiyo dayaxa caadka lagu meershay

·       Caamadu waxay moodayaan curasho dayreede

·       Cilmi falaga way garan ragii caalimka ahaaye

·       Anigaase moorada cakiran kuu cadayn karo’e

·       Cirsanka yeedhkii maantana warbuu sheegay caliyoowe

·       Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirarkii soo dhaafye

·       Caruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey

·       Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

·       Caawaa lakala soocayaa caabud iyo gaalle

·       Casho aan fogeyn waxa isbadali ciidan faro weyne

·       Caaddaa rag Korey buu nafsigu hoos u soo celine

·       Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

·       Inay curado kheyr lihi kacaan ciidan la arkaaye

·       Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye

·       Marse hadii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide

·       Caloolyow aan kugu raagihayn ciida haw qodine

·       Cagta ii dhig waa kaa nafsigii soo carceersadaye.

 

Abwaanadii kale ee wixii ay sheegaan la arki jirey waxa kamid ahaa tusaalena aan u soo qaadan karnaa gabyaagii alle ka cabsiga badnaa, geeraarshihii magaca dheer lahaa, geesigii badmareenka ahaa ee salaam maxamed xirsi (salaam carrabay) alle ha u naxariistee.


Salaan ayaa waqti waqtiyada kamid ah wuxu damcay inu guursado gabadh uu markaa laabta ka jeclaaday, gabadh ka dhalatay reer magac iyo maamuus geyiga ku lahaa gabadhaas oo ahayd cawo dhooble oo ka isirayn tolweynaha dhulbahante kana sii ahayd axmed garaad.


Salaan carabay markii sidu hiduhu ahaa yeelay gabadhiina aabaheed weydiistay ayaa waxa lagu xujeeyey in aan gabadha la siin ilaa aad yaradka kusoo darto oo aad keento faraska wegen-xile ee abtigaa leeyahay.


Salaan talo ayaa ku cadaatay wuxu u kacay xagaa iyo abtigii xuseen ugana waramay sida ay wax u jiraan iyo in lagu xidhay faraskiisa wegen xile, faraskaas oo ahaa faras fardo ka tilmaaman qurux, orod, adkeysi iyo dhamaan siyaabaha fardaha loo qiimeeyo eebe weyne waa u dhameeyey.


Colaad ayaa geyiga abtiyaashii dagaan saamaysay oo waxaa warmaha isu sita abtiyaashii oo axmed garaad ah iyo bahararsame oo iyaguna aan ka dheerayn oo ka wada tirsan tolweynaha dhulbahante, waxaana labadaa reer dhexyiiley dhiig badan oo nin door oo idili ku dhamaaday, salaan wuxu sameeyo ayuu garanwaayey sababtoo ah reero col ah faras u kala qaadkooda aad buu u dhibsaday, waayo farduhu waxay u ahaayeen dadka leh mid ay cadowga kaga rabaan xoolahooda iyo tolweynaha ay ka dhasheenba, salaan wuxu damcay inu abtigii u sheego halka ay xaajo ka joogto iyo sida ay lama huraan u tahay inu abtigii inu faraska siiyo si uu gabadha u dhisto loona siiyo, abtigiis xuseen wuxu uga waramay colaadaha reeraha dhexyaal iyo sida farasku reerka ugu muhiimka yahay iyo in aanu marnaba bixin Karin faras aanu garaadka reerku isagu bixin taladiisana aanu go’aamin.


Markii arini adkaatay salaan waa gabyey weliba ku halqabsaday abtigii xuseen isagoo u sheegaya in waxa uu weydiistay uu faras yahay ee aanu waxkale waydiisan, salaam wuxu abtigii xasuusiyey in aanu marnaba wanaag lahayd aduunyo laysku waalo, sidoo kale salaam wuxu abtigii ugu caqli celiyey in wuxu faras yahay oo waraabeba keyn cidle ah intu ka helo dili karo, amaba la waayi karo, ama uu cudur darani ku dhici karo kaas oo sababa inu bakhtiyo, si walba salaan abtigii wuu u hoga tusay isagoo rabay inu ugu soo loodsamo hayeeshee marna abtigii kama garaabin inu faraskiisa wegen-xile ku wareejiyo niman colaadi ka dhaxayso.


Qaybaha dambe ee gabayga ayuu salaan ku sheegay qiso markii dambe si dhaba u dhacday oo ah ta aynu sababteena tusaalaha dhan u falkinay uguna googooynay tusaalayaasha gabay awaadhka, salaan wuxu sheegay abti maalin ayaa dhici karta faraska oo dooxo daaq badan hurda ay dhalinyaro dagaal loo wacay jeedal ku kicin doonaan oo dabadeed naxdintaas uu wadnuhu hoos u go’I doono halkaasna ay waraabaha iyo wuxuushta kale ku cuni doonaan ee abti faraska I sii.


Salaan waa iska tegay waxaana faras kale siiyey nin ay isku reer yihiin kaas oo uu gabadhii ku doontay se ayaamo aan tiro badnayn kadib ayaa loo sheegay in faraskii wegen-xile uu dhintay sidii salaan tilmaamayna u dhintay oo niman dhalinyaro ahi ay jeedal xanuun badan ku kiciyeen faraska oo hurda kadibna boodadii uu booday uu garka wadnuhu hoos u go’ay sidaas ku bakhtiyey, gabaygaas ayaa salaam wuxu ku yidhi:


·       Wanaag ma leh xuseenoow aduun laysku waalaa

·       Hadaad farasku inu weynyihiyo wheel dad moodayso

·       Galabaa waraabuhu cunaa ama la waayaaye

·       Wajaq cudurna wayskaga dhintaa oof wareen malage

·       Adoo waran weriyiyo qaylo timi xilow haysta

·       Oo weerar dhacaybuu nin kale weligii fuulaaye

·       Tol widhiidhi galay geed wahdiya ururka waayeelka

·       Wiggle jeedal lagu toociyuu warasayoo booday

·       Barbariiqo lagu waabiyuu wadane xiimaaye

·       Kolkaasay wuxuushtiyo cunaan haad allow wadhaye

·       Weysaaqa dirireed halkay weehad ololaysay

·       Rag is wada wajiiriyo inkaar waramadoo dhiigle

·       Isagoo wajaqay meel xun buu wagered gooyaayey

·       Markaasuu waraar rag u noqdaa wiiro la lahaaye

·       Weji gacalku weyskugu qabtaa shayskastoo wacan

·       Hadaan walaxdu gurigiina iman kuma wareersheen

·       Wax ku siiyayaa iyo iyo xagaa kugu wareeyaaba

·       Kola waari maayee abtoow weris ha lay raacsho

w/q: cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) [email protected]

 

Loading...
Loading...