Muqdisho iyo Qad Cagaaran!!!!.W/Q Cabdicasiis Afrika

0
Wednesday February 26, 2020 - 21:20:58 in Articles by
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho iyo Qad Cagaaran!!!!.W/Q Cabdicasiis Afrika

    Muqdisho iyo Qad Cagaaran!!!!.W/Q Cabdicasiis Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho iyo Qad Cagaaran!!!!.W/Q Cabdicasiis Afrika


Magaaladda Muqdisho waxaa meesha ka baxay Qadkii Cagaarnaa ee Dagaaladda Sokeeye, lkn taas badalkeeda waxaa jira Qadad Cagaaran oo laga maarmi karay.

No photo description available.


Wadada Wadnaha hadaad gaarto uma soo gudbi kartid Wadada Shaqaalaha, haddii aadan Taleefoon u soo dirin Saraakiil ay dhici karto inuu u dansan yahay, waxaadna ku qasban tahay inaad sugto intay ka shidanayaan, ama Whats App inaad ka wacdo.


Wadooyinka Qaarkood Qaful ayaa lagu xiray Birro laga dhex sameeyay, Shaqsiyaad ayaana Jeebka ku qaata oo Guryahooda la aada, halka Meelaha Qaarna Ganjeelooyin Jidadka laga dhex dhistay.


Meelaha qaar Shacab iskaba daayee waxaan laga oggalayn Aqoonsiyadda Dowladda.


Caqabadahaas oo dhan iyo Culeysyadaas waxay dhacayaan iyadoo laga maarmi karay, kaliya waxaa ku filan in la baaro Qofka lugaynaya iyo Gaadiidka inta lagu qasbayo Qofka ama Gaadiidka inuu kala wareego, iyadoonba lala hadal.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...