Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Sugan Iyo Qorshe Uu Ku Karbaashayo Muuse Biixi Iyo Xisbiyada Oo Uu Wato

0
Wednesday February 26, 2020 - 20:28:49 in News by
  • Visits: 2693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Sugan Iyo Qorshe Uu Ku Karbaashayo Muuse Biixi Iyo Xisbiyada Oo Uu Wato

    Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Sugan Iyo Qorshe Uu Ku Karbaashayo Muuse Biixi Iyo Xisbiyada Oo Uu Wato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Sugan Iyo Qorshe Uu Ku Karbaashayo Muuse Biixi Iyo Xisbiyada Oo Uu Wato


Hargeysa(HWN):-Wakiilka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta somaliland.


Wararka ka soo baxaya socdaalka uu safiirka midawga yurub ku yimid somaliland ayaa sheegaya inuu la xidhiidho sidii uu hogaamiye Muuse Biixi culays ugu saari lahaa in xal laga gaadho khilaafka dabada dheeraaday ee la xidhiidha doorashooyinka somaliland.

Image result for nicolas berlange


Danjire Berlanga ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Hargeysa waxa uu kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali kaas oo ay ka wada hadleen qaabka sharci ahaan lagu soo afjari karo khilaafka doorashada ee mudada dheer uu hogaamiye Muuse Biixi dabada hayey in xal laga gaadho.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in safiirka midawga yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga uu kulamo kala duwan la qaadan doono hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaybta ugu weyn ku leh khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo uu dhankooda kala hadli doona wixii ka khuseeya khilaafka doorashada.

Image may contain: 10 people, people standing and suit

Safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayey wararku sheegayaan inuu wato qorshe uu ku dhex dhexaadinayo dhinacyada isku khilaafsan doorashooyinka somaliland isla markaana uu u yeedhin doono qodobo uu u arko in lagu xaliyo khilaafka dabada dheeraaday.


Wararka ayaa sheegaya in safiirka midawga yurub uu wato qorshe uu xisbiyada mucaaridka ah ku ogolaysiinayo komishanka cusub ee Cabdirashiid Riyo Raac gudoomiyaha u yahay iyada oo guddidii hore-na ay farsamo ahaan ula shaqayn doonto halka hogaamiye Muuse Biixi uu u soo jeedin doono inuu ka laabto furida ururada siyaasada oo xukuumada qorshaynayso in dhawaan golaha wakiilada ay u gudbiso xeerkii ogolaanayey in la furto.

Image may contain: 1 person, standing, suit and indoor

Ilaa hada ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ujeedada safarka uu somaliland ku yimid safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga

Loading...
Loading...