Maxaa Ka Jira In Beesha Caalamku Culays Diblomaasiyadeed Ku Hayso Hogaamiye Biixi?

0
Wednesday February 26, 2020 - 17:05:17 in News by
  • Visits: 1803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Beesha Caalamku Culays Diblomaasiyadeed Ku Hayso Hogaamiye Biixi?

    Maxaa Ka Jira In Beesha Caalamku Culays Diblomaasiyadeed Ku Hayso Hogaamiye Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Beesha Caalamku Culays Diblomaasiyadeed Ku Hayso Hogaamiye Biixi?



Hargeysa(HWN):-Warar soo baxayey afaryo labaatankii saacadood ee ugu dambeeyey ayaa sheegayey in beesha caalamku ay cadaadis xoogan ku hayso hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi.

Image result for muuse biixi


wararka ayaa sheegayey in beesha caalamku ay hogaamiye Muuse Biixi ku cadaadinayso inuu ka noqdo furitaanka ururada siyaasada isla markaana uu sanadkan gudihiisa qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada dalka.


wararkan oo ay baahiyeen inta badan hay'addaha warbaahinta ee maxaliga ah iyo kuwa dibadu ayaa waxa ka jawaabtay wasaarada warfaafinta somalilanda.


war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland ayaa lagu faah faahiyey wararkaasi, iyada oo si gaar ahna loogu jawaabay laanta afka soomaaliga ee BBC-da oo ka mid ahayd hay'adihii baahiyey warkan.


warkan qoraalka ah ee ka soo baxay wasaarada  Warfaafinta ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.


Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...