Dagaal U dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Deegaanka Hadaftimo

0
Wednesday February 26, 2020 - 11:42:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal U dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Deegaanka Hadaftimo

    Laascaanood (HWN) Dagaal udhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa saaka ka qarxay Deegaano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood (HWN) Dagaal udhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa saaka ka qarxay Deegaano
ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa  yimid kadib markii Ciidamadii Somaliland ee fadhigoodu ahaa Magaalada Yubbe saaka ay u soo ruqaansadeen dhinaca Magaalada Hadaaftimo, sidaasna uu ku billaamay,waxaanu dagaalkan xoogiisu ka socdaa deegaanka la yidhaa Hadaftimo.

 

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoog leh oo ay isdhaafsanayan Ciidammada Somaliland iyo Puntland.

 

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hayeeshee warar la helayo ayaa tilmaamaya inuu jiro Khasaaro.

 

Dagaalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay uu dagaal geystay Khasaaro uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland, wuxuuna dagaalkas ka dhacay degmada Laasqoray.


Loading...
Loading...